Xubno ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida oo Addis Ababa tagay

International Somalia News

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee
xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada
Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha.

Tagistan xubnaha ka tirsan xisbiga ayaa maalmihii
ugu danbeeyayba ka biyo diidnaa in ay tagaan Addis Ababa oo looga yeeray kaddib
markii uu soo ifbaxay khilaaf adag ee oo kala dhax-galay maamulka Soomaalida
iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

Xubnaha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la
lagu waramayaa in aysan la socon xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe laakiin
la sheegay in ay  Jigjiga ugu hareen sii kala wadista howlaha golaha sida ay BBCda ka soo xigatay xubno ka tirsan maamulka.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan
waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Wararku waxaa ay sheegayaan xubnaha ku sugan
Addis Ababa iyo xukuumadda dhexe isla meel-dhigi doonaan siidii loo soo afjari
lahaa Ismari-waaga taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *