Xubno ka mid ah golihii wasiiradii hore ee Somaliland oo musuqmaasuq lagu helay

International Somalia News

 

Jimco, August, 10, 2018 (HOL) – Guddida ilaainta
iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, ayaa eeddo musmusuq usoo
jeedisay wasiiro ka tirsan xukuumaddii hore ee Axmed Silaanyo, kuwaas soo
bandhigay lacag loogu talogalay mashaariic in lagu fuliyo oo aan lagu fulin.

Guddidan ayaa farta ku fiiqay laba mashruuc oo ah
jeelka Burco iyo jeelka Boorama oo lacagtii loogu tallogalay la cunay, isla
markaana ay heleen qiimaha lacagta loogu tallogalay iyo heshiishyada lala
galay shirkadihii dhisayey.

“Guddidu sida mgacaba ka muuqda inay
baadhitaan ku samayso oo ay hubin iyo dabagal ay ku leedahay qof kasta
oo hanti qaran maamula ama imika ha maamulo ama ha ka tago waa la
baadhayaa” ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Gudoomiyaha Guddida ilaalinta Hantidda qaranka ee
golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in
qof kasta oo masuul ah la baadhi doonno, isla markaana mashruuc kasta oo dalka
laga hirgaliyey dabagal lagu samayn doonno.

“Waxaa illaahay mahadii ah inaanu ku guulaysanay
inaanu helno xisaab xidhkii sanadkii 2016kii oo aanu badka soo
dhigno meelihii kharashkii loogu tallogalay aan lagu qaban, hore umay
dhici jirin in marka qof mashruuc loo dhiibo cid ka taba tagnaa may dhici
jirin, waanu soo eegnay in mashruucii la fuliyey iyo in aan la fulin.”ayuu
yidhi Shire.

 

Waxaanu intaas ku daray “Jeelka Boorama iyo
jeelka Burco waxay guddida qandaraasyadu heshiish la gashay shirkadda Al Barako
Construction inay muddo laba sanno ah lagu dhameeyo, heshiishkaasi wuxuu
dhacay 17/9/2015-kii, maxa loo fulin waayey, waxa kale oo jirta lacagtii loogu
tallogalay oo ahayd 1.5 milyan dollar illaa hadana ma dhamaan mashruucyadii
lagu fulinayey lacagtaasi waana qabyo wali”.

Sababta mashruucaasi u dhamaan waayeyna waxay
gudidu ku eedeysay wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Mareen, halka wasiirkii
hore xidhiidhka goleyaasha Axmed Xaaji Daahir lagu eedeeyey in saddex
jeer uu lacag ku qaatay lagu dhisayey garoonka kubadad cagta ee Boorama.

Guddidan ayaa sheegay in wixi mashruuc ee dalka
laga fuliyey ay dib u baadhi donaan wasiir kasta oo ay gashana soo bandhigi
doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *