Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo Qarax lagu dilay

International Somalia News

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Xildhibaan ka
tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed
Ibraahin ayaa goor dhaw lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya
xildhibaanka uu la geeriyooday darwalkii gaariga ku waday.

Waa xildhibaankii Afaraad ee Qarax ama weerar
lagu qaaday, iyadoo inta badan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ku maqan yihiin fasax.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahintaa
dhaafsiisan oo la xiriirta dhimashada xildhibaanka iyo qaraxa lagu weeraray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *