WARBIXIN: Lionel Messi Oo Hogaaminaya Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Taariikhda Tartanka Super Cup-ka Spain, Yaa Kale Oo Ku Jira Liiska?

Sports

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa bilowga xilli ciyaareedka cusub iyada oo la ciyaari doonta Sevilla kulanka Super cup-ka Spain kulan la ciyaari doono maalinta Axada.
Kulanka Super cup-ka Spain ayaa lagu qaban doonaa magaaalada Tangier ee dalka Morocco garoonka Stade Ibn Batouta iyada oo markii ugu horaysay noqon doonta in koobka Super Cup-ka Spain lagu ciyaaro meel ka baxsan Spain.
Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ah kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga iyo koobka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkii hore halka ay Sevilla tahay kooxdii gaartay Finalka Copa Del Rey-ga.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa shanta xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda tartanka super cup-ka Spain.

Lionel Messi (Barcelona) Xiddiga reer Argentine ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka super cup-ka Spain umana muuqato in ay cid soo raaci doonto, Messi ayaa dhaliyay tartankaas 13 gool 16 jeer oo uu ka qayb qaatay.

Raul (Real Madrid) Xiddiga reer Spain ee Raul ahna halyeeyga Real Madrid ayaa ku jira kaalinta 2-aad ahna xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan taariikhda tartanka isaga oo dhaliyay 7 gool 12 jeer oo uu ka qayb qaatay.
Hristo Stoichkov (Barcelona) Xiddigan reer Bulgaria ayaa ah xiddiga kaalinta 3-aad ku jira isaga oo u soo ciyaaray kooxda Barcelona una dhaliyay 6 gool 10 kulan oo uu Barcelona uga qayb qaatay tartankaas.
Txiki Begiristain (3 Kooxood) xiddigan reer Spain ayaa tartanka ka qayb galay isaga oo 3 kooxood u kala ciyaarayay kuwaas oo kala ah Barcelona,Real Sociedad iyo Deportivo de La Coruña waxana uu u dhaliyay 6 gool 12 kulan oo uu ka qayb qaatay tartanka isaga oo ku jira kaalinta 3-aad.
Frédéric Kanouté  (Sevilla) xiddiga reer Mali ayaa ku jira kaalinta 4-aad isaga oo kooxda Sevilla uga qayb qaatay 2 kulan una dhaliyay 5 gool.
4 Xiddig kaalinta 5-aad: 5 xiddig ayaa kaalinta 4-aad ku wada jira kuwaas oo dhaliyay min 5 gool laakiin ku kala duwan kulaamda ay ka qayb qaateen tartanka,
Xiddiga Aritz Aduriz ayaa kooxda Atletico Bilbao uga qayb qaatay 2 kulan una dhaliyay 4 gool halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay 3 gool, xiddiga José Mari Bakero oo u soo ciyaaray kooxda Barcelona ayaa sidoo kale 4 gool u dhaliyay 11 kulan oo tartankaas ciyaaray, ugu dambayn halyeeyga reer Spain ee Xavi ayaa ugu dambeeya isaga oo dhaliyay 4 gool 14 kulan oo uu ka qayb qaatay tartankaas.
[embedded content]
Share this…00Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *