Warbixin : Al-shabaab oo Malaayiin Dollar ka hela gargaarka la siiyo dadka dhibaateysan

International Somalia News

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay
malaayiin dollar ka sameeyaan lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dalka Soomaaliya
iyo gargaarka loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Baaritaan uu sameeyay taleefishinka CNN ayaa lagu sheegay in lacago ay si
toos ah u siiyaan Qaramada Midoobay dadka ku baracay dagaalada iyo abaaraha
inay u gacan galaan ururka Al-Shabaab.

Xubno hore ugaga tirsanaa Al-Shabaab iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka
Soomaaliya ayaa u sheegay weriye ka tirsan CNN oo booqday Baydhabo in lacago
badan ay Al-Shabaab ka helaan maalin walba jidgooyooyin u yaal halka laga soo
galo Baydhabo iyo weliba ganacsatada magaalada kuwaasoo raashin geeya xeryaha
dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin.

Dadka ka soo barakacay guryahooda oo ku nool magaalada Baydhabo ayaa
Qaramada Midoobay waxaa ay siisaa lacag gaareysa $80 illaa $90 kuwaasoo kaarar
loogu shubo si ay cunto ugu iibsadaan.

Saraakiil u hadashay Qaramada Midoobay ayaaa waxa ay sheegeen in lacagta
sida tooska ah loo siinayo barakacayaasha ay tahay mid loogaga fogaanayo in
gaadiid cunto lagu soo raro la dhaco amaba la weeraro.

Hasse ahaatee warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsatada keeneysa cuntada
ay jidgooyooyin u dhigtaan Al-Shabaab iyagoo ka qaada loorkii cunto ah $3
taasoo marka la isku daro ay kumanaan dollar maalin walba ay ka helaan
Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay lacagta ka soo gasha Al-Shabaab bar
koontarool oo ay ku leedahay gobolka Bay ay gaareyso shan kun oo dollar maalin
walba. 

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo gasho
lacago faro badan ganacsatada iyagoo ka qaada Zako marwalba, taleefishinka ayaa
meel gaar ah ku wareystey dagaalame hore ugaga tirsanaa Al-Shababa kaasoo muddo
sagaal sano ah ururinayay lacagaha zakawaatka loo yaqaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *