Tababare Klopp : Hal Koox Ayaan U Janjeernaa In Aan Ku Aadno Wareegga 16-ka Champion-ka, Yaa Kale Laga Yaabaa In Ay Wajahaan

Sports

Waxaa Qoray: Osman Hassan Ali on December 7, 2017.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa ku adkeystay in aysan jirin koox ay si gaar ah u xiiseynayaan in wareegga 16-ka Champion-ka ku aadaan balse uu dareensan yahay in kooxdiisa u janjeerto in ay ku hagaagto Real Madrid .
Macalinkaan ayaa ka hor inta uusan Anfield u soo wareegin October 2015-kii waxa uu 7 sanno maamulayay Dortmund iyadoo mudadaas uu xilli ciyaareedkii 2012/2013-ka uu ku hogaamiyay Finalka Champion-ka.
Liverpool ayaa u soo gudubtay wareegga 16-ka iyadoo xalay kulankeedii ugu dambeeyay ee marxaladda Group-yada ay 7 gool ku garaaceen kooxda reer Russia ee Spartak Moscow.
Liverpol oo haatan hogaamineysa Group E waxaa laga yaabaa in midkood ay ku dhacaan wareeggaas 16-ka kooxaha kala ah Basel, Bayern Munich, Juventus, Shakhtar Donetsk, Porto ama Real Madrid.

” Ma jirto koox aan si gaar ah niyadda aynu ugu hayno oo ku aadan in aan wajahno, caadiyan Real ayaan ku dhici jiray hadaba aan aragno waxa dhaca”ayuu sii raaciyay Klopp.
Ingiriiska ayaan sanadkaan waxaa wareegga 16-ka Champion-ka ugu gudbay 5 koox oo kala ah Chelsea, United,City, Tottenham iyo Liverpool”

Asxabtaada Facebook U Sii Gudbi
Comments comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *