Tababarahii xulka Spain oo la eryey

VOA

Xiriirka kubadda cagta Spain, ayaa maanta shaqada ka ceyriyey macallinka xulka qaranka dalkaas Julen Lopetegui, maalin ka hor billowga koobka adduunka.

Julen Lopetegui, oo shalay loo magacaabay tababaraha Real Madrid, ayaa lagu eedeeyey inuu wada-hadal la galay naadiga Bernabeu, isaga oo aan u sheegin xiriirka.

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay aad uga carreysiisay xiriirka Spain.

Spain ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo hanashada koobka adduunka, waxaana tani ay qalalaase ku abuuri kartaa habcayaareedka kooxda.

Illaa iyo hadda xiriirka kubadda cagta Spain kuma aysan dhawaaqin cidda beddeli doonta Julen Lopetegui, waxaase la filayaa inay deg deg u magacaabaan macallin cusub.