Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhinaca Ganacsiga ah

International Somalia News

 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo
oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis
la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13
xubnood oo ka socda Sedex iyo toban wasaradood iyo Afar wasiir  oo uu ugu
horeeyo wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir
Maareeye,

Mahdi Mohammed Guleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo
wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb gaeen shirka Iskaashiga
Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacay dalka
Turkey.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga
ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga ganacsiga labada
dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dowladood ka kala
tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si
Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay
qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga,
Beeraha iyo xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la
qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada
Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *