Shirkadda Amaana oo gargaar lacageed ka qeybisay degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi

International Somalia News

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) –Shirkadda
Amaana oo Deeq lacageed oo dhan $ 36, 677, 92 dollar ka qeybisay degmooyinka
Beledweyne, Buual-burte iyo Jalalaqsi oo ay saameyn adag ku yeesheen daadadkii
ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle ee dhawaan ku dhuftay gobolka Hiiraan.

Madaxa Shirkadda Amaana ee
gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Xalane oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay
in qeybinta deeqdan lacageed oo ah howlgal ballaaran si joogta ah looga waday
gobolka todobadii maalmood ee ugu danbeeyay bisha Ramadaan, si markaa qoysaska
danyarta uga faa’ideystaan dhinaca kale maalmaha Ciida.

$ 27, 674 dollar oo ka mid ah
lacagta ayaa ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka
Canada, $ 2850 dollar Jaaliyada Gera ee dalka Jarmalka, halka 6, 153,92 dollar
ay soo direen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Angola.

Wiikiilada Shirkadda Amaana ee
degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi Cilmi Xuuriye Fiidoow iyo Maxamed
Cabdulle Odawaa (Maxamed Hindi) oo deeqdan ka qeybiyay labada degmo ayaa ka
mahad celiyay, iyaga oo sheegay in gargaarkan lagu soo beegay waqti ay siweyn
ugu baahnaayeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan labada degmo.

Marka laga soo tago qoysaskan
lagu booqday xafaadaha ay ku nool yihiin ayaa sidoo kale waxaa gargaarkan la
gaarsiiyay bukaannada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo
qaarkood qaba dhaawacyo kala duwan.

Ugu danbeyntii Wakiilka Shirkadda
Amaana ee gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyay guud ahaanba jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay Fatahaada
Wabiga Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *