Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Xiddigaha Ay Kooxaha Premier League Kala Soo Wareegeen Suuqii Xagaaga

Sports

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa xagaaga kala iibsiga ee premier League inkasta oo aan la moodin in uu muddo bilo ah furan yahay.
Kooxaha premier League ayaa siyaabo kala duwan u galay suuqa iyada oo ay koox walba xoojisay kooxdeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub marka laga reebo Tottenham.
Lacag ku dhaw 140 milyan oo euro ayaa lagu khasaariyay kaliya 2 goolhaye kuwaas oo kala ah Alisson Becker & Kepa Arrizabalaga xilli lacag kale oo badan la galiyay xiddigo kale.

Suuqa kala iibsiga premier League ayaa si Rasmi ah u xidhmay xilli ay koox walba isku diyaarinayso bilaabshada xilli ciyaareedka cusub.
Wargayska Mirror ayaa haatanba doortay shaxda uu aaminsan yahay in ay tahay midka ugu fiican ee xiddigihii suuqa ay kala soo wareegeen kooxaha premier League.
Xiddigo yar-yar ayaa sameeyay lama filaan iyaga oo la soo wareegay xiddigo fiican oo tayo leh oo ay markii hore ku raad joogeen kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

[embedded content]
Share this…00Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *