Maleyshiyaadka Ashahado Ladirirka Galgaduud oo Dumarka ka mubnuucay in ay qaataan Xijaabka iyo qaarka mid ah Dumarka Degmada Guriceel oo arinkaasi ka horyimid.

(02-08-2009)Maleyshiyaadka Ashado ladirka labaxay Ahlu Suna waljameeca Ayaa magaalooyinka Dhuusa-Mareeb,Guri-Ceel iyo Caabud-waaq kusoo rogey haweenka in aysan qaadan karin Shukooyinka iyo weliba Indhashareerka,iyagoona ugu baaqay in ay qaataan waxa ay ugu yeeren dharkii ay horay ugu xijaaban jireen dadka Somalida ee ahaa Garbasaarka iyo Guntiinada iyo arinkaasi oo ay siweyn uga horyimaadeen qaarka mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Guriceel oo ah halka uuka soo baxay Amarka lagu mabnuucayo Xijaabka.

Horjoogaha maleyshiyaadka Ashado Ladirka Dhuusa-Mareen iyo Guri ceel Cumar Sheikh maxamed faarax ayaa maanta soo saaray amar uu ku farayo haweenka Deganada Guri-Ceel ,Dhuusa-Mareeb iyo caabud-Waac in aysan wixii kabilowda Maanta oo ay bushu tahay 2/08/09 aysan haweenku qaadan karin waxa uu ugu yeeray Xijaabka Carbeed.

Cumar sheikh Maxed Faarax ayaa isagoo meel fagaare ah kula hadlaya qaarka mid ah maleyshiyaadka Ashado ladirka kadib markii uuka soo laabtay kulan uu Deganka Balanbale kula lahaa saraakiil Itoobiyaan ah waxa uu Maleyshiyaadkiisa Faray in maanta wixii ka danbeeya la soo qabto Haweenkii lagu arko waxa uu ugu yeeray Xijaabka carbeen isagoo sheegay in aan maanta kadib la qaadan karin Shukooyinka ay Haweenku ku lebistaan iyo Indha Shareerka isagoona ku wargeliyey in maanta kadib ladoonayo in la joojiyo xijaabka nuucaasi ah isagoo ku war geliyey in ay qaataan Dharkii horay Haweenka somalidu ay ugu xijaaban jireen ee ahaa Garbasaarka iyo Guntiinada.


Horjoogaha Maleyshiyaadka Ashado ladirka ayaa Amar ku siiyey maleyshiyaadkiisa in ay soo qabtaan haweenkii ay ku arkaan Xijaabka waxa uu ugu yeeray Jixaabka Carbeed isagoo u sheegay in loo baahan yahay in dhaqanka Somaliyeed la ilaaliyo intii kan wahaabiyada la dhaqan gelinlahaa sida uu sheegay.

Qaarkamid ah Haweenka Degmada Guri-ceel ayaa la sheegay in ay arinkaasi ka soo horjeesteen ayna ku dhaarteen in aysan taasi aqbali doonin ayna ka xigaan in laxiro iyadoo qaarkood ay durbadiiba afka ku dhufteen in arinkani uu ka yimid dhinaca Itoobiya maadaan uu horjoogaha maleyshiyaadka ka soo laabtay kulan uula lahaa Saraakiil Itoobiyaan ah Deganka Balanbale.

Faadumo Geesey ooka mid ah Haweenka ku ganacsada magalaada Guri-Ceel ayaa sheegatay in aysan marnaba aqbali doonin in ay iska dhigaan shukooyinka ayku lebisan yihiin iyadoo sheegatay in ay yihiin dad Muslimiin ah aysana dhaadaneyn awaamiir katimid Dalka Itoobiya sida ay hadalka udhigtay.

Isku soo wada duuboo xaalada Deganada Guri-Ceel,Dhuusa-Mareeb iyo Caabud-Waaq ayaa umuuqata mid aad u kacsan hadii ay awaamiirtani ka dhaqan gasho deganadaasina waxaa soo food saartay deganadaasi Xaalad aan caadi aheyn waxaana laga yaabaa in uu deganka ka bilowdo kacdoon dadweyne hadiiba ay Maleyshiyaadka Ashado ladirku isku dayaan in ay dhaqan geliyaan Awaamiirtaasi.

Xafiiska warqabadka Warkadalka.com,Muqdishu

Comments

#1 | SEEFTA BANAANKA on August 02 2009 01:30:10
WAA TUUGI ILAAHEY IDINKAAS ISLAAMKA WAALAGA QABAN DOONAA INTAAD JOOGTAAN WADA HOWLAHA WAA BALAN IN AAD GACANTA MUJAAHIDIINTA KU DHAMAATAAN INSHA ALLLAH
#2 | Omar yare on August 02 2009 06:26:10
Waxad tihin shayadin xun oo ku shaqeya fekerka ina godane aana war moye wax kale u haynin marbayna idin qaban dontaa ladagalanka aad ku heysan ahlu-sunnah.
#3 | sumaya on August 02 2009 08:12:01
asalamu caleykum warxmatullahi wabarakaatuhu walaalyal allah xaqa hanagu sugo waxaa lajooga wakhti ay diintu ghariib noqoteye ooba laiskula dagaali diinta maxa augu dhacmi cajaban lahum kuwa sheeganaya ahlu sunah baan nahay iyo xijaab lama qaadankaro maba is laha ee magaca waad bililiqeysteen ahlu suufiyeey allaaaaaaaaaaaaaah diintiis auu ugargaari ee dadkaa laisku intixaamin allaahu thabidna calal xaq
#4 | abu on August 02 2009 08:45:29
wax iska cad bay ahayd meesha suufuyadu marayso maanta inaysan culumo ahayna waa iska cadayd inay maanta gabdhiihii udiidaan hijaabka oo ay itoobiyaan kasoo amar qaataan ee nimaka waa in magaca laga soo dhigaa ahlusunah
#5 | shire on August 02 2009 12:28:59
suufiyaa meesha mataalo ee kuwaan wa mooryaanti xamar 2006 laga soo iryay waa meleeshiyadi ashahada ladirirki weenaay cabdi waal iyo amxaaro ee xaa ka sugeeseen ceeyr hada tihiin
#6 | khalif on August 02 2009 18:53:24
ASC dadkiinaan suufiyada wax ka sheegaayo illaahii idin uuntey ka baqa oo ninkaan webka iska leh ee khaa inka ah yuusan idin dambaajin suufiyadu waa nimankii diinta barey dhamaan ummada soomaaliyeed xitaa kuwaan wadaadada sheegta ee wahaabiyada ah ee lumiyey caamada adinkoo kale ah. layaabna ma lihidin Oo waa la idinku shubey waase la idinka shubi doonaa insha allah
#7 | jooqe on August 02 2009 22:30:19
webkaan baqtigaa markaan arkaba qawaariij ayuu amanaa tuugada waa bahalo eeyaha ee halla laayo dufhaku baxaanee,.
#8 | jibriil on August 03 2009 05:32:47
jooqe gaal rac baad tahay yaa qawaarij ku sheegeeysaaa duli murtad aad diin aqoonin baad tahay ee diinta soo baro ma kuwaan dumarka islaamka xijaabka u diiidan baad taageereeysaa kula yaabi maayo waxaad tahay xaaraan ku naax diidan ku dhaqanka shareecada islaamka wabilaahi tawfiiiq
#9 | jibriil on August 03 2009 05:33:40
jooqe gaal rac baad tahay yaa qawaarij ku sheegeeysaaa duli murtad aad diin aqoonin baad tahay ee diinta soo baro ma kuwaan dumarka islaamka xijaabka u diiidan baad taageereeysaa kula yaabi maayo waxaad tahay xaaraan ku naax diidan ku dhaqanka shareecada islaamka wabilaahi tawfiiiq
#10 | yonis on August 03 2009 12:24:02
jibriilow gaalada sowteen ku biilaan oo irsaqada kuma xirna maxaad beenta isugu camireysaan waa run webkaan waxaan qawariijta aheyn ma yaqaan oo ma kuwii lahay hadaadan xijaab u gadeynin anigaa guursan kkkkkkkkkkk xagey ka timid diintaas ineysan aqoon badan laheyn taas ayaad ku garan oo aynan xaarka iska dhaqin wiilasha gafuurada duuban umadii dhan waa gaalo inteen reer gafuurduub ka aheyn balo idinku dhacday,qawaariijta sowtey bililiqeysteen mucaawinaadii masaakinta soo barakacay dad masaakiin ah oo aan haysan hooy oo gaajo iyo dhib iyo qaxar ku jira xagey ka keenayaan mey nabada ka taliyaan horta waa beentood tuugadaas ee allaha jebiyo insha alaah magacooda taariiqda ayuu gali doonaa waxaa jiri jirey kuwa alsheydaamiin la yiraa unbaa la dhihi doonaa wax yar ayaa haray insha allah ee kuwa umada qaribayo kii taageersanoow gaalada ayaad lacagahooda dhuuqdaane aamusa beenta iyo brobagandada meeshaan aad ku soo qoreysaan dufkubaxee,..

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.06 seconds
338,009 unique visits