Calanka Madow ee Alshabaab xaguu kasoo jeedaa, Muxuuse ka turjumayaa?.

(01-08-2009)Ilaah baa mahadleh naxariis iyo nabad gelyo nabi muxamed korkiisay ahaatay, Intaa ka dib, Calanka madaw ee afargeeska ah isla markaasna ay dhexda kaga qorantahay kalmada tawxiidka oo khad cad ahi, waa calan waayadan dambe lagu yaqaano meelaha ay joogaan mujaahidiinta xarakada alshabaab, marka laga hadlayo gudaha somalida.


Walaalahayga islaamka ahaw calankaasi wuxuu noqday mid ka mida waxyaalaha ay kuwa kasoo horjeeda alshabaab ay ka dhigtaan wax ay ku dhaleeceeyaan, tusaale ahaan, waxaan mudo hada laga joogo bilo daawaday barnaamijka mubaashar-maca ee ay soo dayso chanelka Aljazeera mubaashar (live), oo ay ku waraysanaysay nin isku sheegay in uu yahay madaxa hay’ad uu ku sheegay hay’ada culimada soomaaliyeed ee qurbaha, kaas oo magiciisa aan kasii xasuusanahay saciid, ninkaasi wuxuu aad u saarnaa xarakada mujaahidiinta alshabaab, waxaana ka mid ahaa hadaladii uu ku naqdinaayay xarakadaas iyo rageedaba: QALBIGOODU WUXUU U MADAWYAHAY SIDA UU CALANKOODU U MADAWYAHAY, isagoo calanka iyo caqliga ragaasba ceebaynaya.


Waxaa ii xigtay taas hadal kasoo yeeray c/raxmaan faarax janaqow 23/07/2009 isaga oo ku sugan wadanka Norway caasimadiisa oslo, waxyaalihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa isaga oo aad u deedafeeyey kuna jeesjeesay caayayna calanka madaw ee ay sitaan alshabaab, isagoo isla markaasna uu horyaalay calanka wadanka Norway oo uu ku suntanyahay saliib weyni, waxyaalihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in uu yidhi: "Calnkaasi waa calan alqacida u gaar ah", "Calankii somalida meeshii ay ku arkaanba waa laga siibayaa oo CALAL madaw ayay sudhayaan", "waa wax (calanka madaw) laga soo minguuriyay wadamo shisheeye", "Waa wax foolxumo badan", "Calankaas madaw iyo kayga maxay ku kala duwanyihiin waa labo maro waaye kaygana maxaa sanam ka dhigay kaagana islaam?".


Umaan lahayn janaqow aqoondheer, waxaanaan bartay uun intii maxkamaduhu wadanka ka talinayeen, laakiin rag aqoon u lihi waxay ii sheegeen in uu ahaa nin sheekha oo dhigi jiray kutubta umuhaatka sunada. Sida bukhaari, muslim, iwm. Mana garanayo sababta uu su’aashaas isku waydiinayo isaga oo kutubtaas dhigi jiray waayo axaadiis badan oo ka hadlaysa calankaas madaw ayaa ku jira kutubta xadiiska ah, cadaynaysana in uu rasuulku calankaas madaw ee kalmada tawxiidku ku qorantahay isticmaali jiray.


Janaqow waxa ay doontaba haka ahaato su’aashaa dambe ee uu is waydiiyay jawaabtana u waayay ayaa bal waxaan isku dayayaa in aan maqaalkan si kooban ugaga jawaabo, si dadka aan aqoona aan ugu cadeyno, dadka caayayana aan u sheegno khatarta ay leedahay arinkaasi.


Hadaba cid kasta, dawlad ha ahaato, ama jabhad ha ahaato ama ururbee waxay leedahay calan astaan u ah oo ka tarjumaya hadba mabaadiida ay ku midaysanyihiin groupkaasi.


Maadaama oo aynu nahay umad muslimiin ah, doonaynana in ay dhidibada u taagno dawlad islaami ah, waa in aynu diraasaynaa dawlada islaamka ah ee aynu doonaynaa waa mid caynkee ah, maxay kaga duwantahay kuwa kale, waxaa kale oo imankara in la iswaydiiyo calankeedu waa noocma. Arimahaas oo dhan waxaa aasaas u ah sunada nabiga iyo quraanka, ijmaaca umada, qiyaaska saxiixa ah.


Sidaynu wada ognahay rasuulku (SCW) wuxuu dhisay dawlad dhamaystiran, hadaba hadii aynu ka shiidaal qaadanayno sunada rasuulka, dawlada aynu rabnaana ay tahay tii rasuulku (SCW) dhisay oo kale, ma lahayd calan u gaar ah oo rasuulku lahaa (SCW).


Jawaabta suaashaasi waa HAA, way lahayd dawlada rasuulku SCW calan u gaara, calankaasi wuxuu ahaa afargees midabkiisu madawyahay, kalmada tawxiidkuna ay dhexda kaga qorantahay iyada oo ku qoran midab cad.

Hadaba si aan u xaqiijino in calanka rasuulku uu caynkaas ahaa waxaa lagama maarmaan ah in aan dib ugu noqono taariikhda dawladii rasuulka, taas oo keensanaysa in aan soo rarno axaadiista ka hadlaysa Calanka ama raayada rasuulku(SCW) siday u eekayd, waxaanaynu ka hadli qodobadan.


· Noocii calanka rasuulka.

Calankii dawlada rasuulku wuxuu ahaa calan madaw sidaan horeba usoo sheegnay, afargees ah, dhexdana ay kaga qorantahay kalimada tawxiidku. Hadaba si aan u cadayno in uu calanka rasuulku noocaas ahaa ama qaabkaas waxaan soo qaadanay axaadis dhawr ah saxeexna ah oo cadaynaya 1- noocuu ahaa. 2- wixii ku qornaa.


1. Xadiiskii ay soo saareen tirmidi, ibnu maajah, imam axmed, abii daauud ee kujira taariikh alkabiir, sanadkiisuna xasanka uu ahaa, ayaa waxaa laga wariyay baraa binu caasib in uu yidhi "Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw oo afargeesa, kana samaysan maro suuf ah".

2. Mucjamu saqiirka dabaraani waxaa isna ku jira xadiis uu warinaayay jaabir binu c/laah in uu yidhi: "Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw".

3. Xadiiskii uu warinaayay xaaris binu xasaan albakri ee uu yidhi: "Waxaanu aadnay madiina, waxaan aragnay rasuulka oo minbarka saran, iyo bilaal oo taagan hayana seef, markaasaa waxaan arkay calamaan madmadaw, dabadeed waxaan waydiiyay waxa ay yihiin calamaantani, waxaa la iguyidhi waa camar binu caas oo ka yimid dagaal".


4. Wuxuu bukhaari kusoo saaray taarikhu saqiirka xadiis uu warinaayo anas ibnu maalik oo uu yidhi:

 

" Rasuulku wuxuu laba jeer madiina ku reebay ibnu ummu maktuum, waxaanaan arkay isaga oo calan madaw sita maalintii qaadisiya"

· Maxaa ku qornaa calanka rasuulka.


Waxaa ku qornaa calanka rasuulka sidaan hore usoo sheegnay kalmada tawxiidka waxaana cadaynaya xadiiskan:-

1. Xadiiskii uu wariyay ibnu cabaas ee uu yidhi : "Waxaa ku qornaa calanka rasuulka "laa ilaaha ila laah, muxamadun rasuulu laah.".

 

Fiiro-Gaara
: Waxaa jiray calan kale oo rasuulku uu lahaa oo uu midabkiisu cadaan yahay kalmada tawxiidka ee ku qorana ay ku qorantahay khad madaw, calankaas waxaa la yidhaahdaa liwaa اللواء waana calan u gaara amiirka ama cidii markaas dagaalka uga socota xaga amiirka, waana calan lagu garto taliska muslimiinta iyo hadba halka uu amiirku joogo, isticmaalkiisuna ma badna ee wuxuu ku koobanyahay uun amiirka iyo daarul khilaafa ama madaxtooyada, hadii uu amiirku meeshaas ka tagana waa laga daba raraa oo looma sii daayo halkiisaa.

 

· Ahmiyada calankii rasuulka.

Calanka rasuulku SCW waxaa uu muslimiinta ku aglahaa ahmiyad aad u saraysa, waxaa inoo cadaynaya ahmiyada uu calanku lahaa iyo qiimihiisa

 

1. xadiiska ay soo saareen bukhaari iyo muslim: dagaalkii khaybar waxaa hogaaminaayay rasuulka SCW intii aan dagaalka la galin ee diyaar garawga loogu jiray ayaa waxaa uu rasuulku yidhi :


"Barri waxaan calanka u dhiibi doonaa nin ilaahay iyo rasuulkiisa jecel, ilaahay iyo rasuulkiisuna ay jecelyihiin" subixii ayaa wuxuu siiyay rasuulku calankii cali ibnu abii daalib. Waa maalintuu cumar binu khadaab yidhi waligay madaxtinimo ma jeclaan maalintaas mooyaane.

 

2. Sanadkii 8aad ee hijriyada wuxuu rasuulku scw udiray saxaabigii la odhanjiray xaaris binu cumayr alazdi, amiirkii busra in uu soo islaamo isaga iyo qoomkiisuba, amiirkii busraa wuu diiday dacwadii rasuulka, saxaabigiina wuu dilay, arinkaas waxaa aad uga cadhooday rasuulkii SCW, waxaana uu diyaariyay 3000 oo ciidan, waxaana uu madax uga dhigay sayd ibnu xaarisah, hadii la dilana in jacfar ibnu abii daalib lagu badalo, hadii jacfar la dilana in c/laahi ibnu rawaaxa la wareego, markii uu ciidankii baxay ee la gaadhay shaam waxay muslimiintii arkeen ciidankii ruum oo ah 200,000.

 

Taas oo ka dhigan in halkii askari ee muslim ahba ay kusoo hagaagayaan wax ku dhaw 70 askari oo gaal o ahi. Muslimiintii dibay u istaageen, waxaana halkaas khudbad ka jeediyay c/lahi ibnu rawaaxa oo ku boorinayo muslimiinta in ay jihaadka galaan laba mid uunaby heli guul ama shahaado iyo shahiidnimee, waxa ilaahay ugu hiilinayaana quwad in aanay ahayn iyo tiro badnaan ee ay tahay imaan iyo islaamnimo, initaas ka bacdi dadkii muslimiinta ahaa niyadoodii baa dhisantay, kalsooni rabaani ahna way qaateen, sidiibaana dagaalkii ku bilaabmay,


waxaana muslimiinta hogaaminaayay sayd ; binu xaarisah oo siday calankii rasuulka, kabacdina wuu shahiiday waxaana calankii dhulka u quudhiwaayay oo qaaday jacfar ibnu abii daalib, dagaalkii wuu sii adkaaday jacfar markaas wuxuu kazoo degay faraskiisii oo uu boqno gooyay si aanuu dib ugu noqon iyo in aanay ka faaiidaysan cadawgu hadii ay qabsadaan oo aanay muslimiinta kula dagaalamin, jacfar waxaa la jaray gacantii midig ee uu calanka ku hayay, waxaana uu ku qabsaday gacantiisii bidix si aanuu u dhicin calanku, hadana waxaa la jaray gacantiisii bidix, ka badci wuxuu ku qabsaday cududihiisa ilaa uu ka shahiiday, ………. Ilaa dhamaadka qisada.

 

Qisada sababta aynu u soo qaadanay waxaa weeye in aynu ogaano ahmiyada iyo qiimaha ay ku aglahayd saxaabadii rasuulka calankaas madaw, ee manta rag muslimiin isku sheegayaa caayayaan, calal iyo foolxumona af labadii ugu tilmaamay fasubxaanalaahil cadiim.

 

· Magaca calankii rasuulka.

Sida ay rasuulka caadadiisu ahayd waxaa uu magacyo ula bixi jiray waxa uu isticmaalo nolol maalmeedkiisa, sida seeftiisa, daabadiisa, iwm.

 

Xadiis uu soo saaray dabaraani oo uu warinaayay ibnu cabaas ayaa waxaa uu ahaa "Waxaa dhaqanka rasuulka ka mid ahaa: in uu magacyo ula boxo daabadihiisa(gaadiid), hubkiisa iyo alaabadiisa kaleba, calankiisana waxaa la odhanjiray CUQAAB, seeftuu ku dagaalami jirayna waxa la odhanjiray faqaar, midkalena waxaa la odhanjiray mikhdam ……….."

 

Cuqaab waa magac uu leeyahay shimbirka shimbiraha u geesisan, waxaana la yidhaahdaa waa shimrika hadii uu duulo, wixii shimbir ah ee duulayaa ay fadhiistaan, waxa uu dulmarayaana ay dhaqaaqa jojiyaan cabsi ay ka qabaan aawadii, ma cuno waxa dhintay, mana cuno wax aanuu isagu ugaadhsan, Culimada luqada carabigu waxay idhaahdaan wuxuu awoodaa in uu ka quraacdo ciraq kana qadeeyo yemen, waxa uu ka qabo awood duulimaad.

 

Macnaha markaas uu rasuulku SCW ula jeeday magacani waxaa weeye in marka calanka rasuulka kor loo qaado aysan jirin calan kale oo kor loo qaadi karaa, waa magac tilmaamaya cisiga iyo sharafta dawlada muslimka ah. Waa calan aan laga sarayn Karin. Lalana sinmi Karin, waxaan la yaabanahay ninka manta calankaas agdhigaya calan 1960 uu gaal ina siiyay isagoo inagu samirsiinaya, waana yaab nin ku garaacay calankuu dhakada kaaga xidhxidhay in aad kaga faanto kii aad cisada ku lahayd ee rasuulkaagu ku caanka ahaa. Arinta ah in aan isticmaar ka qaadanay madaxbanaanina kolay doodbaan ka qabaa se halkan maaha meeshaan kusoo bandhigayaa, hadii alle idmo markale ayaan ka hadli doonaa in aan run ahaantii madaxbanaani qaadanay 1960 iyo in kale oo la ina haysto wali.

 

· Muxuu xambaarsanyahay calnkani

Maadaama ay dhamaan muslimiintu isku waafaqsanyihiin in kalmada tawxiidku ay tahay ta lagu soo galo islaamnimada ayna jirin cid ka hor imankarta kalmadaas, waxaa uu calanka uu tawxiidku ku qoranyahay muujinayaa in ay dhamaan muslimiintu u simanyihiin cadaan iyo madawba, oo aan wadanka uu ka taaganyahay qof muslim ah lagu sheegi Karin in uu yahay ajanabi, ma aqoonsana calanku xuduud beenaadka, ma aqoonsana kala qoqobnaanta muslimiinta, iyo in koox kastaa ay inyar xayndaabato, oo muslimiinta edegedeg loo kala xidhxidho.

 

Xukuumadaha isku sheega in ay muslimiin yihiin calankoodana ku qortay kalmada tawxiidka waxaan leenahay, maydaan garan wixii ay idinka rabtay kalmada tawxidka ee aad calanka iskaga qorateen, marhadii muslimka aan ku dhalani uu ajanabi ku yahay dhulkaas, waxba tari mayso kalmad tawxiid oo calan lagu qoraa. Si ay run u noqoto waa in waxa ay idin amrayso oo dhan la qaataa oo ay kow ka tahay isku xukunka shareecada alle swc, islaamka in lasoo dhawaysto gaalkana laga bari noqdo.

 

· Maxay tahay xukunka in calankaan la qaato oo calan laga dhigtaa.

Hadii aan kazoo hadalnay axaadiistaa cadaynaysa in rasuulku uu lahaa calankaas madaw, iyo kaa cad ee u gaarka ahaa amiirka, maxaytahay axkaamta aan ka dheegan karno nusuustaas.

 

Wuxuu shaybaani siyarka ku yidhi " Waxaa haboon in calanka amiirku uu ahaado cadaan, calanka kalena uu ahaado madaw, sidaasaanay nusuustu sheegtay, waxaana laga wariyay raashid oo ka wariyay sacad alle haka raali ahaadee in uu yidhi : "Wuxuu ahaa calanka rasuulku SCW madow, calanka hogaankuna wuxuu ahaa cadaan, curwah ibnu zubairna wuxuu yidhi calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw"

 

Sidoo kale wuxuu alxaafid ibnu xajar ku yidhi fatxul baariga "Axaadiistaasi waxay inoo cadaynaysaa in ay fiicantahay in calamaan la yeesho marka dagaalka la galayo, liwaagana (calanka cad) waxaa qaadaya amiirka ama cida markaas uu u wakiisho amiirku" 6/155.

 

Muxuu yahay xukunka ruuxa calankaas caayaa

Xukunka qofka caaya calankaas aynu kazoo sheekaynay ahmiyada iyo qiimaha uu ugu fadhiyay muslimiinta, waxaynu u daynaynaa culimada rabaaniyiinta ah, laakiin waxaa cad ruuxaasi in uu caayay aflagaadeeyey kuna jeesjeesay suno uu rasuulku ina amray.

 

Maxay samayn doonaan kuwa raayadii rasuulka wax ka sheegaya maalinka ilaahay la is horkenayo, ee uu soo istaago jacfar ibnu abii daalib oo gacmo la si uu u badbaadiyo in calankaasi uu ciida taabto.

 

Ilaahayaw maalintaas naga dhig kuwa raayadaas sita, ee hanaga dhigin kuwa calanka somaliyeed sita.

Waxaa si degdeg ah u qoray Walaalkiin Bilaal Hargeisaawi,


Waxaa si degdeg ah u qoray :-Bilaal Hargeisaawi10/08/1430 - 01/08/2009.

bilaal_1985@hotmail.com


Render time: 0.01 seconds
338,008 unique visits