Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo oo cambaareeyay war dhawaan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

(01-08-2009)maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo ayaa si kulul ooga hadley hadalkii dhawaan kasoo yeerey wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arimaha soomaaliya axmed walad cabdala ee ku aadanaa in soomaaliya laga sameeyo qadka cagaaran.

shirkaan jaraa'id ee uu maantey qabtey madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ee
magaalada kismaayo SHEEKH XASAN YACQUUB CALI ayaa waxaa uu sikulul ooga hadley hadal
dhamaadkii todobaadkii aynu soodhaafney kasoo yeerey wakiilka qaramada midoobey
uqaabilsan arimaha soomaaliya AXMED WALAD CABDALA kaasoo ku aadanaa in magaalada
muqdisho ee caasimadda soomaaliya laga sameeyo qad cagaaran siloo sugo amaanka dowlada kumeel gaarka ah ee soomaaliyo oo ay haatan dagaalo xoogan u dheeyaan xoogagga islaamiyiinta ee kasoo horjeedo siyaasadda dowladda kumeel gaarka ah ee soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee kusugan dalka soomaaliya

hasayeeshee madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo SHEEKH XASAN
YACGUUB CALI ayaa amuurtaasi kutilmaamey mid aan suurta galeyn kuna tilmaamey wax
iska riyo ah waxaana uu sidoo kale sheegey in ciidamadii itoobiyo oo ahaa ciidamo
awood badan ay mujaahidiinta qadka katuureen sidaa darteedna ay kuwaan qadka ka tuuri dooonaan

si kastaba ha ahaatee hadalkani kasooo yeerey madaxa warfaafinta maamulka islaamiga
ee magaalada kismaayo SHEEKH XASAN YACQUUB CALI ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili
uu wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arimaha soomaaliya AXMED WALAD CABDALE uu
horaantii todobaadkaan sheegey in ay qad cagaaran sameyn doonaan si ay ugu bad baado
dowlada kumeel gaarka ah ee soomaaliya



maxamed qaasim cali warkadalka kismaayo j/hoose


Render time: 0.01 seconds
276,775 unique visits