Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.

SUXARADII FIRCOON ALLIHII HANUUNSHOOW SIYAASIYIINTEENNA HANUUNI!!

(30-07-2009)Bismillaah Walxamdulillaahi Wasalaatu Wasalaamu Calaa Rasuulilaah Wabacdu, Aqristow cilmi labarto waxaa ugu xun sixirka asaguna jaahilnimada ayuu dhaamaa waayo,waxaa lasheegaa saxaradii fircoon markii Nebi Muuse(CS)ay fagaaraha isugu yimaadeen ee sixirkoodi laga adkaaday inay ogaadeen in waxani sixir kawayn yihiin oo mucjiso rabaani ah ay yihiin Nebiganina xaq yahay wayna rumeeyeen Fircoona way ku kufriyeen, markuu uhanjebeyna waxay yiraahdeen waxaad doonto nagu xukun adduunkaan unbaad xukuntaaye allaan dambi dhaaf karabnaa annagu.

Waxaa wax lala yaaba ah in siyaasiyiinta soomaaliyeed ee maanta joogta welibana qaarkood sheegtaan Title aqooneed sida Prof,DR,MR ama ENG aysan garan intii ay garteen Saxaradii fircoon waayo ,Aduunki oo dhan ayaa usoo hiiliyey taageero dhaqaale,Siyaasadeed iyo ciidanba waa laysugu daray haddana inay sii guraan mooyee sooma maaxdaan, waxna kuma qaataan mucjisooyinka rabbaaniga ah ee ay indhahooda ku arkaan tusaale ahaan.


Dawladdii C/llaahi Yuusuf waxaa layiri Dawladda taagta daran ayaa laweerarayaa ee Baydhabo fadhidee halla difaaco dagaalki la ogaa ayaa kadhacay marki laysu riiqday kadibna xaqi ayaa guulaystey baadilkina waa burey,gaaladina waa laga adkaaday ayagoo dullaysan ayeyna ka gedoomeen Baydhabana maanta waxay noqotay xarun Islaam oo cizi, sharaf,iyo amaan loogu nool yahay,bal kuma ekaan Baydhabo kaliyee Ilaahay wuxuu makaniyey islaamki ilaa xuduudaha koofureed ee dalka oo nabad looga naaloonayaa.


Shirqoolki Jabuuti oo lays lahaa waxaa lahelay hogaamiyihii mujaahidiinta iyo rag badan oo wax ku ool ah ee hadda cagta hala miriyo kuwa dhulka makansaday shacabkana halaga hor keeno, haddana ilaahay waa fashiliyey wayna kasii taag daraadeen kuwii hore waxaana si fudud loogala wareegay unta badan caasimadii marka laga reebo dhawr dhismo Dekada iyo Garoonka diyaaradaha.


Waxaa Mucjisooyinka Rabaaniga ah oo ay wax kuqaadan la,yihiin ugu dambaysey marki jimcihii hore dood loogu qabtay magaalada NAYROOBI ee dalka KENYA koox kamid ah Baarlamaanka oo kasoo qaxay Muqdisho, kuwaasoo kudoodayey dalki iyo Caasimadi xarunta noo ahayd aan ku laabano iyo kuma laaban karnoo amaankeena ayaan ubaqaynaa taasoo keentay in shaqdi laga eryo qaarki yiri meesha waxba kuma haynee yaanan nafteena lagu loogin,dagaalkina hadda wuxuu marayaa xeryihii Amisomta oo difaacyadi hore waalasoo jiiray.


Haddaba way arkaan inaan taageerada alle mooyee mid kale waxba tarayn Beelcaalam oo lagu tiirsadaana aanay waxba katarayn dad Rabul Caalamiinka kutiirsane laba unbay noqon doonaan aniga malahayga, 1-Qaar ilaahay hanuun ladoonayo sidii saaxiriintii Fircoon oo xaqa soo raaca 2-Iyo qaar dhurdarsada oo Fircoonka casrigaan waa (Beesha Caalamkee)raaca oo lahalaagsama.


W.Q. H.ABBAS

xasandeeq@hotmail.com


Render time: 0.01 seconds
276,778 unique visits