Shareecada Islaamka Maxey Kaqabtaa Ciidaha Wadaniga ah?(Axmad Maxamad Cali Caadle)

(01-07-2009)الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على معلم الناس الخير والهادي) إلى سواء السبيل.
أما بعد:maalmahan aanu kujirno waxey kubeegantahay maalmihii wadanka soomaalya waqooyigiisa iyo koonfurtiisa kaxuroobay gomeystayaashi reer yorub,lagasoo bilaabo 1960 ilaa wixii kahoreeyay burburkii dowladi dhaxe ee soomaaliye 1991 xuska
maalmahaa waxey ahaayeen muqadas, cidna kamaqabin dood in laxuso maalinta lataagay calanka soomaaliya, iyo maalinta ey midowday soomaali weyn

Wixii kadambeeyay sagaashameeyadi waxaa soo ifbaxay kala aragtiduwanaan kusaabsan xuska maalmaha wadaniga ah, qof waliba oo soomaali ah jeebkiisa ayuu ka`iftooday asago raacayo maskaxdiisa waxa ey jeceshahay, inta badan waxey qaateen go`aano khilaafayo sharciga islaamka.

Qolo ayaa sameysay xuska maalintaa, qolo kalane waxey kutilmaamtay shirki, sidaa darteed waxaa ilahaboonaatay in aan cadeeyo shareecadu waxa ey kaqabto arintaa, dabcan ahal uma ihi balse waxaa aaminsanahay in qofka muslimka had iyo jeerba diintiisa caalim kuyahay, cilmigiisaba hayaraadee.

1- xuska maalmahaan oo kale maka sugnaatay salafka? Rasuulkeyna(c.s.w.s) wuxuu sheegay in islaamka uu leeyahay laba ciid oo kaliyah, kuwaa oo kala ah ciidul fidr iyo adxaa, wixii ey carab dhaqan ulaheyd in laxuso oo idilne nabiga waa uu reebay (c.s.w.s).

Maalin maalamaha kamida ayuu nabigu soo maray ansaarta oo u ciyaareysa laba maalmood oo ey lahaayeen, wuxuu kuyiri "ما هذان
اليومان؟ waa maxaay labadan maalmood?

Waxa ey kuyiraahdeen waa laba maalmood oo aan waqtigii jaahiliga aanu laheyn, wuxuu kuyiri إن الله قد أبدلكمبهما خيراً منهما يوم
الأضحى ويوم الفطر
ilaahey wuxuu idinkugu badalay laba maalmood oo kawanaag badan, maalinta adxaa iyo maalin fidri", xadiiskaa waxaa soo saaray axmad,abuu daa`uud, nasaa`i iyo xaakim, ibnu taymiya iyo albaanina waxey kutilmaameen saxiix,habada waxaad ogaaneysaa in eysan aheyn xuska maalmahaa wax kasugnaaday rasuulkeyna (c.s.w.s) iyo salafussaalix. sidaa darteed ciidaha aanan nabiga kasugnaanin maxey culamadu kayiraahdeen?

Culamada muslimiinta xuska maalmahaan oo kale waxey uqeybiyeen laba qeybood, labadune ey yihiin bidcah(wax aan rasuulka kasugnaan)

1- xus lagadoonayo udhawaashaha ilaahey ama wax cibaado loola jeedo sida maalinta mowlidka nabiga(c.s.w.s) iyo wixi lamida, waxey noqonayaan bidco ayadoo lagaqaadanaayo xadiiskii nabiga (c.s.w.s) oo ahaa منأحدث في أمرنا هذا ما ليس منه
فهو رد qofki kusoo daraa arinkeenan(diinta islaamka) wax aanan kamid aheyn waa wax
lasoo celiyo(oo aan xaga allaah laga aqbalin)

2- kan labaad ey culamadu sheegeene waa xus aanan laga dooneyn cibaado sida maalinta xurriyada, nuucaan ayaa waxaa loo qeybiyay laba qeybood oo kala ah A) mid shabaha dhaqanka gaalada iyo ciidahooda sida
xuska xurriyada, kaa waxuu noqonayaa sidoo kale xaaraam, iyadoo laga cararaayo kusifoobida xadiiskii nabiga(c.s.w.s) ee macnihiisu ahaa.

Qofkii qolo isku ekeeysiiyaa ayaga ayuu kamid yahay, B) iyo xus aanan shuqul kulaheyn kan gaalada kaa
oo looga gon leeyahay wanaag iyo sama fal sida maalinta masaajida oo kajira wadamada
muslimiinta qaar, kaa oo kale culamadu waxey dhaheen wax dhibaata ah malahan(wallaahu aclam).

Sidaa darteed waxaa jirta arin ubaahan cadeyn, taa oo ah in dadka caamada ah balse diinta jacel ey ufasiraan xuska maalintan oo kale wax shirki ah, ayagoon kalasaarin bidcah iyo shirki, hadaba bidcadu waa wax aanan nabiga kasugnaanin.

Islamrkaana ayada ayaa kala leh maraatib dambiya ah oo kala duwan, waxey noqon kartaa lamam(dambi yar)

Waxey noqon kartaa dambi weyn, balse xadka
ugusareeyo ey gaarto waa xadkii uu nabigu kutilmaamay ee ahaay dalaalah(baadi)

Baadidune waa wadadii saxda aheyd oo laga beyro, ayada qudheeda ayaa maraatib kala leh, sidaa darteed sharciyan mabanaana in lagutilmaamo dadka xusa maalmaha nuucaa ah dad mushrikiin ah, waana dambi kaweyn kan ey ayaga sameeyeen.

Sidaa darteed soomaalidu waa in eysan kudhaganaan caadooyinki hore, kuwa kasoo horjeedana waa in
eysan ku`iftoonin wax eysan aqoon ulaheyn, qof muslim ah ee ilaahey uqiray in uu kali yahay, qofki kusheegaa shirki o ah dimbi lagalo kan uguweyn waa mudnib, wuxuuna kusifoobayaa sifooyin uu nabigu kutilmaamay rag aakhiruzamaanka soo baxaaya oo dadka kugaaleysiinaayo dambiyada ey galaan, waa in uu katowbad keenaa واللله أعلم، وصلي
الله وسلم علي نبينا محمد وعلي  آله وصحبه أجمعين


W/Q axmad maxamad cali caadle alqacqaac@hotmail.com


Render time: 0.02 seconds
338,008 unique visits