Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.

W/Dowlaha Gaashaandhiga Indhacade oo Usama Bin Ladin Ugu Baaqay in uu Toobad keeno isagona dhinaca kale Shacabka Somaliyeed ugu kuwargeliyey In ay dagaal adag lagalaan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

(01-07-2009)Wasiiru dowlaha Gaashandhiga Dowladda KMG Yusuf Indhacade ayaa si kulul u weeraray xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo shacabka ugu baaqay in ay dagaalo adag lagalaan xoogagiisi oo uu ku tilmaamay in ayyihiin kuwo fulinaya Dano shisheeye isagoona dhinaca klae Hogaamiyaha Al-Qaacida Sheikh Usama Binladain ugu baaqay in uu katoobad keeno hadalkiisii ahaa in Dowladda uu Sharifku madaxweynaha kayahay ay tahay Dowlad uadeegta Wadamada Reergalbeetka ayna waajibtey in lala dagaalo.

Yusuf Indhacadde oo habeenkii xalay  ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay 49 guuradii ka soo wareegtay markii uu xoroobay dalka Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koofureed ee Soomaaliya ayaa wuxuu weerar ku qaaday Hogaamiyaha Al-qaacida iyo weliba Xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo sheegay in arimaha Somaliya ay qasayaan labadaasi qolo ida uu hadalka udhigay.

Yusuf Indhacadde ayaa Hogaamiyahaa  al-Qaacida Sheikh Usama Bin Ladin ugu baaqay In uu illaah u toobad keeno kana noqdo hadalkii sii ahaa in dagaal lalao galo Dowladda KMG ah ee Somaliya isagoo sheikh ku sheegay in uu xadfudub sameeyey loona baahan yahay in uu toobad keeno,dowladda somaliya waa Dowlad Islaaami ah adiguna Usamow waxaad ku sheegatay Dowlad u adeegta wadamada reer galabeedka ayuu yiri Indhacadde arinkaasana waxaa lagaaga baahan yahay in aad ka toobad keento.


Wasiiru dowlaha Gaashandhiga Dowladda KMG ah Yusuf indhacadde ayaa dhinaca kale wuxuu weerar afkaa ku qaaday  xoogaga  Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo uu ku tilmamay in ay yihiin koox fidna wadayaal ah umada somaliyeedna looga baahan yahay in ay iska qabtaan sida uu hadalka u dhigay.

Nimanka isku magacaabay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxa ay wadanka kawadaan mahan wax la firrsan karo waad aragtaan in ay umadii somaliyeed qalqalayaan oo Gowracayaan waad ujeedaan in ay diideen nabadii oo dhan ayna ka doorbideen dagaal joogto ah iyo bara kicin ay umada ku hayaan sidaasi darteed waxaa shacabka halkaan caawa isugu yimid iyo kuwa maqanba loogu baaqayaa in ay Kooxahaasi wadanka ka difaacaan oo ay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro.

Ugu danbeyntii ayuu Indhacadde wuxuu shacabka ku war geliyey in Dowladda Somaliya tahay mid Islaami ah loona baahan yahay in shacabku difaaco oo uu kahortago kuwa Shisheeyaha u adeegaya ee Dowladda Dagaalka kula jira sida uu hadalka udhigay.

Ma'ahan markii ugu horeysey ee Yusuf Indhacadde uu weerar dhinaca afka aku qaado xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo kan kii ka horeeyey maruu kahadlayey Dekeda weyn ee muqdishu  yiri kooxda Al Shabaab waa Khawaarij dadkana waxaa ugu qeyrbadan ninkii ay dilaan ama isagu dila nin iyaga kamid ah.


Comments

#1 | guray on July 01 2009 01:37:41
mahad alle ayay u sugnaatay waxaa la yaableh umada somaliyeed maanta inti uxumeed intay is raaceeyn ayna u doodayaan danti ummada ayaan wadnaa" indhacade waa lagu soo qaban waana lagu gowrici adiga iyo tuugada kula midka ah bi'idnilaah"
#2 | Cabdi C/hi on July 01 2009 02:21:42
Jaahilnimo waa waxa Indho-cadde u xusayo bisha July. Ma Luuliyo baa wax noo tartay? Marka Insha Allaah Indho-cadde waa laga qabanayaa ummadda.

Shalay hadduu baadi jiray hooyooyinka iyo carruurta jooga Shabellaha Hoose maanta wuxuu rabaa inuu madaafiic ku garaaco kuwa jooga Xamar. Marka bal aan aragno dowlad ay kusoo hareen Indhocadde, Goobaale, Cabdi Qeybdiid, Dhuumaal, Carays, Aadan-madoobe iyo Salaad Cali Jeelle. Marka qofkii u arka in nimankan yihiin difaacayaasha Islaamka haddee aday ku jirtaa.
#3 | NIN WAAYEEL AH on July 01 2009 02:32:51
OSAMA TOBAD KEENKIISA ISKA DAA OO ADIGU WAXAAD KA TOOBAD KEENTAA DADKII REER MARKA EE AAD CADAABI JIRTAY IYO DAGAALKII MAXAAKIMTA EE AAD ADIGU JEBISAY ADIGOO WAXOOGAA LACAG AH KA QAATAY MEELO KALE
#4 | Cabdi C/hi on July 01 2009 03:22:10
Xaafadihii dadka aan hubeysan ama laga badan yahay sida Xamarweyne, Xamar Jajab iyo Waaberi bey dowlad-ku-sheeggii ku hartay!

Suufiyadii waxay dhaheen 700 qof baa dhibboow nooaga soo baxay Doolow!

Indho-caddihii dhihi jiray Addis Ababa baan salaadda ciidda ku soo tukanayaa waa in hadda Addis Ababa loo diro si uu jilbaha u soo qabsado Meles Zenawi. Ma jiro nin wasiir noqon kara isagoon soo taaban jilbaha Meles Zenawi.
#5 | abdalla on July 01 2009 03:29:40
sheekh yuusuf indha cadde waa sax laakiin kuwaan meesha wax ku soo qora waxaad isugu jirtaan in kooxaysi ay jiidatay iyo in qabyaalad dilootay oo is leh nin ay isku qabiil yihiin amuu madax noqdaa,
wake up !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
#6 | MOHAMED on July 01 2009 03:31:42
GAR GUDUUD AWEYS WALEE DIIN KAA DHEER LAGUNA BARAY UMADDUNA WAA ISKA KAA QABAN INSHA ALLAAH HADDII AADAN SOO NOQON OO UMADAADA DHINAC KA RAACIN
#7 | samarun on July 01 2009 04:10:02
to ninka wata maxamed, bilaa ede, ilmahii mooryaanta ayaa tahay, sow aad aweys meesha u keentay, u dhimo carada aad u qabto
#8 | xoriya on July 01 2009 04:39:05
asc wr wb waxaan salaamayaa dhaamnaa walaalaha sooamliyeed oo iimanku kudanbeeyo ilahey baan idinkudhaariyee dowladaan uu indhacada oo noqdey muuse suudi2 iyo iyo waxa wada dameer ceel jaale2 ay ku jiraan ma dowlada islambaa lagu tilmahikaraah muuse suudi2 adigaa u baahan in shacabka maaakiintaa lagaa dicaafo dufkubaxee nimanka aad leedahey dadbey gowracaan adiga hakaabilaabaan ilaahey idankii iyo waxa maalinba meel aad oo aan mowqif lahey


tan labaad waxaan lahadlaah walaalka iga koreerye lee labaxey shiine walaalkey soomaalidu waxey tiraahdaa rag iska dhici iyo rabi kacabso meel wadagalaan marka adigoo xagjira danbi hakudhihin
waa midoo waaa hadaa calanka madow waxa kuqoran aad taqan ama wuxuu katurjumaayo aad ogtahey hadaa og tahey oo aad inkireyso waa kuu aduunseeg iyo aaqiro beel hadaada ogeyna waa in aad soobarataah waxa ku qoran calankaas madowgiiisa hafiirin iyo cadaantiisa midna ee maxaa ku qoran bal fiiri

midakale beentaa maahan calankeena in dhiig loo daadshey yaase xornimadii dhiiga doorkaa loo daadshey yaa daleelaha dhigey yaa calankii dhibta lagukeeney gumeyste u geeyey ? yaase gumeyste ka sooceliyey calankeena iyo ciideena?
waxaa calankeena gumeyste u geeyey kuwa maanta dowlada sheeganaaya
waxaa calankeena iyo ciidena gumeyste karaarey kuwaa leedahey calan madow oo aan lagaraneynin beyheystaan

gumeyte iyo dabadhilifkiisu hadhacaan mujaahidiinta iyo shacabka soomaliyeed oo isku duubana ha guuleytaan wabilaahi towfiiq
#9 | aba_abdullah on July 01 2009 06:07:16
qoof iska caytamee mahaa kaqadikarta shaabab illahi hahfdio midaka Calanka madowga wa CAlanki Rasulkeeni saw
#10 | yaa laqay on July 01 2009 06:58:03
yaa laqay somaliya waa kan oo kale walina hadlaaya war intaad sheexdo iska aamus somali aad hogaamin karto majirtee adaaba laguu heystaa in aad ku xad gudubtay diin iyo dhaqanba, qaladkana waxaa leh alshabaab mar jhorey eheyd in ey cunaan balaayo fool xumo badan yaa raba dowlad aad adigu hogaanka u heyso waxaan dhihilahaa muqalisiinta kula mid ka ah in ey isdhiibaan baa loo qaatay ama cararaan tani meelna kama matasho umada somaliyeed marya furte yaa habro maryaha ka furtay
ee aan eheyn tuug indhe caag

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.04 seconds
277,471 unique visits