Culimada dowrkeedii maxaa kusoo koobay kadigitaanka gaalaysiinta?

(30-06-2009)Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay naxariis iyo nabad galyo nabigeenii suubanaa korkiisa ha ahaato. Intaas kadib Waxaan jecleystey inaan cabiro dowrka culimada somaliyeed ee maanta iyo niyad jabka shacabka maanta haysta yaa ah culimo Culimada waa kuwii dhaxlay nabiga NNKH kana dhaxlay cilmiga iyo hadyigii bashariyadan inuu hogaamiyo loogu tala galay.

Waa kuwa aqoonta u leh kitaabka ilaahay iyo sunadiisa dadkana ay uga danbeeyaan wixii aqoon ah oo ku saabsan diinta. Fadligoodana aan lagu soo koobi karin qormo kaliya, waxaana kaaga filan in quraanku uu ku sheegey inay yihiin kuwa ilaahay xagiisa ugu cabsida badan, in lagu raaco wanaagana ay waajib tahay, wax ka sheegoodana ay xaraam tahay.

Culimada waa kuwa xaqa sheega, dadkana amra wanaaga, xumahana ka reeba, diintana bara loogana danbeeyo wixii axkaam ah ama masaail ah ama xukun ah, ayagoon uga baqin diinta shakhsi ama ruux, cadaynta xaqa ay cadeeyaan ay tahay wax laweydiin doono maalinta qiyaamaha.

Culimada musaalaxa ee somalia

Markii laga hadlayo culimada musaalaxada ama (culimada dhexdhexaadka) ee somalida waxaan kahadlaynaa culimo isu tagtay oo aragtiyo kala duwan leh hase ahaatee hadafkii ugu weynaa ama waajibkii ka saarnaa umada inay dayaceen aad moodo, waxaan maqlaynaa shirar ama nadwooyin ayay culimo dhigeen, oo waxaa looga hadlayo ay yihiin in laisaga digo gaalaysiinta.

Waxaa kale oo dadka ay maqlayaan culimo ayaa isku khilaaftay mu'tamir dad shacab ah loo jeedin lahaa, waxaa kale oon maqlaynaa culimo ayaa DKMG taageersan, qaar kalana way ku gaalo xukmiyeen,
Culimadii lagu tilmaamayay inay yihiin dhax dhaxaad, hada sida muuqata arimaha kasocda Somalia kama ahan dhax dhaxaad ayadoo ay jirto in in badan o culimada kamid ah ay yihiin culimo daacad ah oo raba inay meel isugukeenaan kooxaha isku khilaafay Somalia, laakin qaar kamid ah culimada muxaadarooyinka ay qabanayaan ama waraysiyada ay bixinayaan uma eka kuwo dhax dhaxaad ah ama sida sharciga qabo ukala xukumaya kooxaha iska soo horjeeda.

Culimadaas kuwa ugu cad cad inta badan kama hadlaan xasuuqa ay AMISOM u gaysato dadka shacabka ah iyo faragalinta ay Ethiopia ku hayso arimaha soomaalia iyo iskaashiga DKMG ah ay lasameysay America iyo dowladaha dariska ah iyo waliba khatarta ay leedahay in gaalada laga dhigto wali ama loosoo adeegsado dad muslim ah.


Hadaba maxaa kusoo kobay waajibaadkii culimada in ay meeshey joogaanba ay ka hadlaan is gaalaysiinta?

Dhab ahaantii waa waajib saran in umada looga digo is gaalaysiinta laakin sida culimada qaarkood ay u wadaan ma ahan si saxan hadii aan eegno Somalia dhibaatadeeda ugu weyn ma ahan is gaalaysiinta.

Culimada ka hadlaysa inta badan is gaalaysiinta waa kuwa masuulka ka ah dhibaatada maanta ka dhacaysa Somalia sababtoo ah hadii cidii khaldan ay xaqa u sheegi lahaayeen inteysan talo faraha ka bixin wax badan ayaa hagaagi lahaa sida dad badan aaminsanyihiin, laakin culimada dhamaan qaybohooda kala gadisan waxay qaateen go'aan ku salaysan masaalix iyo mafaasid sida muuqatana halis u keentey dadkii iyo dalkii dhiig badana uu ku daatay, gumaysina halis loogu jiro umadiina ay kukala qaybsantahay.

Markii wadanka ay culimada gacanta ku dhigeen dadku waxaa u soo baxay rajo aad u wanaagsan oo ah in culimadii maanta talada qabteen oo wadankii ilaahay gacanta usoo galiyey.

Waxaa la dareemey midnimo iyo wanaag oo culimadii oo dhan ayaa wada socotay dadkii hogaan bay ka dhigteen, wax walba culimada halooga danbeeyo ayay shacabkii dheheen culimadina sifiican ayay u hogaamisay, waxaa la gaaray wanaag iyo nabad wax walba waxaa ku yimid is badal, dadkii waxay ku daydeen culimadoodii, waxaana la gaaray midnimo guud, Markuu yimid imtixaankii oo wadanka xabashida ay soo gashay culimadii intoodii hogaanka ahayd wadanka waa kawada tageen, qaarkood taxaalufaad ayay galeen, qaarkalana mabaadiidoodii ayay ka tanaasuleen, intii soo hartayna waxay isku khilaafeen fikirka iyo sida loo waajahayo dhibaatada somalida, iyadoo qayb ka mid ah culimada ay dowladii cabdulaahi yuusuf qaab qabiil ku taageertey ayaa hadana qayb kale oo culimada kamid ah dowladii shariif qaab qabiil ku taageereen, ayagoo kasoo horjeedsaday wax ku saabsan dagaal danbe oo lagala soo horjeedo ciidamada shisheeye ee Somalia jooga inyar oo kasoo hartayna waxay tageereen dhaqdhaqaaqyada lagala soo horjeedo shariifka iyo ciidamada AMISOM ee jooga Somalia.

Hadaba waxaa yaab leh in culimadii musaalaxada ee la rabay in shacabka ay hogaamiso ay maanta kolba meel intey muxaadaro ku qabtaan ay kaga hadlaan oo kaliya is gaalaysiinta ayagoo indhaha ka laabtay dhibaatada gumaystaha shacabka uu ku hayo, iyo dhiiga daadanaya, waxaa kale oo ay indhaha kalaabteen kooxdii jabuuti ee ay maslaxada u arakayeen ama dhinacooda u janjeereen in maanta ay ciidamo shisheeye oo ay Ethiopia ugu horayso ay u dalbadeen sidii ay inta dhiman ugu sii gumaadi la haayeen, culimadiina wali ay dhaxdhaxaad yihiin kuna mashquulsan yihiin kahadalka is gaalaysiinta, iyo isqarxinta.

Waxaa lais waydiinayaa maxay culimada marhadii ay ka hadleen is gaalaysiinta ay uga hadli layihiin waxa lagu gaaloobo? Hadii ayadana ay ka hadleen is qarxinta maxay uga hadli layihiin dadka kasbaday in laisku qarxiyo ee ku xiran cadowgii umada kana shaqaynaya burburinta iyo baabi'inta shacabka. Kuna soo hogaaminaya cadowgeedii.

Culimada waa in aysan ku gaabsanin kadigitaanka gaalaysiinta ee waa inay ka hadlaan sidii shacabka ay u hogaamin lahaayeen ayagoo midaysan hal aragtina leh kooxna aan si gaar ah u taageereyn, waxa kaliya ay taageerayaan ay noqoto meeshii uu xaqa jiro.

Waxaana haboon in umada wax kasta oo dhibaato u keenaya ay ka hadlaan kuna hogaamiyaan kheyrka, wacyi dheeraad ah waa inay culimada u yeeshaan khataraha ku soo fool leh umada si guud Somalia, waana inay umada uga digaan sharwadayaasha ethiopianka ku xiran ee raba inay gumaysigii umada dib ugu celiyaan, intey waqtigooda oo dhan ku bixinayaan is gaalaysiinta mabanaana iyo waxa ay diintu ka qabto is qarxinta.

WA SALLALLAAHU CALAA NABIYINAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM.

Waxaa Qalinka Uqaatay, cumar maxmud
faaruuqx@hotmail.com


Render time: 0.02 seconds
338,009 unique visits