Burburkii kooxdii ILEYS ee Beesha Ceyr oo markii ugu danbeysey ku soo gaba gaboobey in ay xilal magacaaban xilalna ka qaadaan Siyaasiyiin uu ka mid yahay Dr, Maxamuud Culusow.

(19-04-2009) Kadib markii burbur dhankasta leh soo food saaray kooxda dhalinyada ah ee casoo Jeeda Beesha Ceyr laguna Magacaabo ILEYS ayaa hada waxaad moodaa in ay wadaan qorshihii ugu danbeeyey ee ay doonayaan in ay ku sii cakiriyaan qilaafka kadhextaagan beesha Ceyr  kadib markii ay ku dhawaaqeyn waxa ay ugu yeeren Gudiga Fulinta iyo Gudiga Shuurada oo ayna sheegen in ay Xilkii ka qaaden dhamaan hogoomiy yaashii siyaasada  ee Beesha Ceyr oo uu ka mid yahay Dr, Maxamud Culusow oo horay u ahaa hogaamiyaha Siyaasada Beesha Ceyr iyo General galaal oo ku xigeen kiisa ahaa.

Kooxdaan Dhalin yarada ah ayaa iyagu soo maray xaalado kala duwan iyagoo markii hore ku abuurmay Magacii Maxaakimtii islaamka kadibna u xuubsiibtey ILEYS hadana ka sii tegey oo noqday Gabraarato iyagoo ugu danbeyntii kulan ay Madaxweynaha somaliya Sheikh Sharf la yeeshen u sheegay in ay iyagu meletaan siyaasada  Beesha Ceyr kadibna halkaas kala kulmay Fashilkii ugu horeeyey kadib markii uu Madaxweynuhu u sheegay in uusan aheyn Shaqsi Cusub oo hada Xamar yimid garanayona siyaasiyiinta Beesha Ceyr marka arinkaas isaka dhaafa ayuu ugu jawaabey halkaasna waxey kala kulmeen fadeexadii ugu Dareyn kooxdaa Ayaa waxaa horboodayey nin lagu magacaabo Axmed Nuure iyo kuxigeenkiisa Abuukar Suryare halka ay jireen gacan yara yaal fara badan oo uu ka mid ahaa nin lagu sheegay Maxamaed Tahliil.

Waxaa iyana ku xigey oo ay fashil kala kulmeen kooxdaani kulan uu beesha isugu yeeray  Cabdiraxman cabdi Shakuur oo ah Halka Wasiir ee ay beesha Ceyr hada ku leedahay xukuumada  kadib Qado sharaf lagu xalinaayo qilaafka beesha isugu yeeray Xubnaha beesha kajooga magaalada Muqdishu kadib markii ay faraha ka bateen Fidnada iyo Qilaafka kooxdan Magacyo badan ay ku hayaan beeshaasi dhexdeeda, Kulankaas oo ahaa mid heersare ah oo uu soo qaban qaabiyey Wasiirku ayey diiden in ay ka qeyb qaatan oo ay soo xaadiraan kadib markii lagu casuumey siloogu sheego in ay joojiyaan qilaafka ay beesha ka dhexwadaan. Wasiirka ayaa arinkaasi aad uga caroodey kadib markii ay fulin waayen in ay soo xaadiraan  qadadaasi waxaana goobtii qadada ka hadlay Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha kuwaasi oo canbaareeyey Kooxdaan Gabraratada ah waxeyna balan ku qaaden in ay awood udeegsan doonaan hadii aysan beesha dhexdeeda ka joojin Fidnada ay ka dhexwadaan.

Isku soo wad duuboo kooxdaan ayaan iyagu dheg jalaq usiin warkii odayasha waxeyna heshiis hoose lagaleen yuusuf Indhacadde kaasi oo ay ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan in uu burburiyo Ururka Xisbul Islaam iyagoo abaabuley qorshe lagu kala jebinaayo Xisbul islaam kaasi oo ay iyagu ka danbeeyen Qorshihiisa dhinaca kale Indhacadde oo aan isagu laheyn siyaasad fadhisa ama qorshe siyaasadeed oo habeysan ayey hada waxey ka sii dhaadhiciyeen in uu Sheikh Sharif lagalo Heshiis Hoose kaasi oo hada la sugaayo in uu Madaxweynuhu ka soo laabto safarkiisa debeda halkaasi ayaa  lagu wadaa in Indhacadde lagu Qaliif oo uu Xubin ka noqdo xukuumada Sheikh Sharif si kooxdaan ay iyaguna usoo noolaadaan oo ay marlabaad Fursad u helaan in ay ku dhowaadaan Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii ayey kooxdaani waxey maalintii Isniintii Qado ku sameysteen xaafad uu degan yahay Axmed Nuure waxeyna halkaasi uga dhawaaqeen Jagooyin ay sheegen in ay u hayaan Beesha Ceyr kuwaasi oo kala ah Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Beesha oo loomagacaabay Nin magaciisa Lagu sheegay Cali Bashiir halka Gudoomiya Shuurada loo magacaabay Axmed nuure Awdiini kadib markii sida la sheegay uu diidey Abuukar suryare oo isaga siqaas ah ay Jufadiisu  ka  codsatay in uusan ka qeyb qaadan qilaafka Beesha uuna ka feejignaado wixii Jufada usoo jiidaya  fadeexo taasi oola sheegay in uu balan qaaday Abuukar.

Isku soo duuboo kooxdaan ayaa lagu eedeynayaa in ay Lunsadeen lacago fara badan xiligii maxaakinta iyo weliba dhaqaale kale oo ay ka aruursadeen Dhalinyarada Qurba jooga ee ka soo jeeda Beesha Ceyr, Halka ay sidoo kala ka qeyb qaaten shiqooladii lagu laayey dad fara badan oo uu ku jiro sargaal Hogaamin jirey ciidamadii Madaniga ee Gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Daauud Ganey iyo weliba iyagoo qeyb weyn kulahaa Shirqoolkii lagu diley Macalin Adan Ceyrow waxaana waraku sheeegayaan in qaarkood ay kusocoto  baaritaano laxariira Arimaha Shirqoolka ee ay ka qeyb qaaten.

Ugu danbeyntii ayey waxey goobtoo Shirka ayku qabsadeen ka sheegen in ay iyagu metelaan beesha wixii hada ka danbeeyana aysan jirikarin cidsheegan karta  Guduumiye ama ku xigeen toona iyagoo sitoos ah afka ugu dhuftay Dr,Culusow iyo General galaal in aysan sheegan karin wax jago ah ama hogaanka siyaasada toona wixii hada ka danbeeyana Beesha Ceyr ay xukumi doonaan Gudiga Shuurada iyo kan Fulinta waasida ay hadalka u dhigeene.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay siyaasiyiinta beesha oo uu ugu tunweyn yahay Dr,Culusow oo ah siyaasi ruugcadaa ah inkastoo ay socdaan Qorshayaal  laga wado magaalada Muqdishu oo ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha kaasi oo ladoonayo in sitoos ah kulan loo qaato beel walbana laga saxiixo in ay iyadu ceshato kan ka soo jeeda Jufadeeda loogana hortegi lahaa In uu sii dheeraado  qilaafka ay beesha ka dhexwadaan kooxdaan dhalinyaradaa.

Mahad Yarre,
Warkadalka.com Muqdishu


Render time: 0.02 seconds
338,008 unique visits