RASMI: Luis Enrique Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Spain Ee Fasaxa Xulalka, Miyuu Jordi Alba Ku Daray?

Sports

Tababaraha Xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulkiisa ee uu kaga hor tagi doono xulalka Croatia iyo Bosnia kulamada caalamiga ah ee fasaxa xulalka.
Sidii uu sheegay tababaraha ayaa is badal ku sameeyay Liiska isaga oo u yeedhay xiddigo uu horay uga tagay kana reebay xiddigo uu soo qaatay wakhtigii ugu dambeeyay.
Xiddiga kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa ku soo baxay Liiska Enrique kadib markii uu ka reebay Labadii fasax xul ee ugu dambeeyay ee uu soo xushay xiddigaha.

Xiddiga kooxda chelsea ee Marcos Alonso iyo xiddiga Real Madrid ee Nacho ayaa ah xiddigaha markan laga dhex waayay Liiska si la mid ah xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Koke.
Xiddiga amaahda ugu jooga kooxda Borussia Dortmund ee Paco Alcacer oo dhaliyay goolal fasaxii xulalka ee hore ayaa sidoo kale laga reebay Liiska xiddigaha Spain.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha Uu Tababaruhu Soo Xushay:
Goolhayayaasha: David De Gea (Man Utd), Kepa Arrizabalaga (Chelsea) Pau López (Betis)
Daafacyada: Jonny Otto (Wolves), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Diego Llorente (Real Sociedad), Sergio Ramos (Real Madrid), Mario Hermoso (Espanyol), Inigo Martínez (Athletic Bilbao), Joe Luis Gaya (Valencia) and Jordi Alba (Barcelona)
Khadka Dhexe: Sergio Busquets (Barcelona), Pablo Fornals (Villarreal), Brais Mendez (Celta Vigo), Sergi Roberto (Barcelona), Saul Niguez (Atletico), Dani Ceballos (Real Madrid), Isco (Real Madrid) and Rodri (Atletico)
Weerarka: Suso (AC Milan), Rodrigo (Valencia), Iago Aspas (Celta Vigo), Morata (Chelsea) and Marco Asensio (Real Madrid) (Reporting by Joseph Cassinelli, editing by Ed Osmond)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *