Rabshado ka jira magaalada Dire-Dhabe

International Somalia News

 

Talaado, Feberaayo,13. 2018 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.

Waxaa sidoo
kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada
rabshadaha wada, waxayna dhagax shiidayaan tukaan walba ama goobta ganacsiga ee
furan.

Haddaba saakay ayaa magaalada Dire-Dhabe waxaa laga dareemayaa cabsi xooggan oo laga qabo in ay sii kordhaan
rabshaduhu, taasoo keentay in dadku ay guryaha ka soo bixi waayaan,,
meheradaha iyo goobaha ganacsiguna ayaa xiran sida Bangiyada,
Xawaaladaha iyo Tukaamada laga adeegto.

Rabshadihii
u xoogganaa ayaa haatan waxay ka soconayaan 
gaar ahaan xaafadda Gande, iyo dhinaca Lagahare ka socda rasaas xooggan
oo ay Askarta Booliska Fadaraalku ay ku ridayaan Rabshad wadayaasha oo hadda
iyaguna billabay in ay taayaro gubaaan iyagoo Askartana dhagax shiidaya.

Rabshadahan ayaa socon doona ilaa
dhawr maalmood oo dambe, sida ay ku goodinayaan dhalinyarada Qeeroo ee iyagu wada
rabshadaha.

Qeeroo waa dhalinyaro Oromo ah oo kacdoonka wada waxayna si toos ah
uga amarqaataan Jawhar Maxamed oo inta badan ah ninka Kacdoonada Itoobiya ka
socda abaabula, wuxuuna ku nool yahay dalka Mareykanka, 

Wixii warar ah ee ka
soo kordha waan idin soo gudbi doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *