Qadar oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobey

International Somalia News

 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa
cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Dacwadan ayaa waxaa gudbiyay Wiilka joogtada ee Qatar u
fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo
sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo
xadgudubtay Hawada Qatar.

Wakiilka joogtada Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobey Alya
Ahmed Al Thani, ayaa u gudbiyay dacwadan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey
Antonio Guterres.

Waxaa uu ku eedeeyay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen
dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga
caalamiga ah.

Fariinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in
dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u
difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka.

Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in
xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee
sanadkii hore 2017.

Sacuudiga, Imaaraadka
Carabta, Masar iyo Bahrain ayaa horaantii bishii June ee sanadkii 2017 xiriirka
u jaray dowladda Qatar, waxaana ay ku soo rogeen xayiraado ganacsi iyo in
diyaaradaha Qatar aanay isticmaali karin hawadooda, iyagoo ku eedeeyay inay
taageerto Argagixisada, inkastoo dowladda Qatar ay beenisay eedeymahaas.

C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *