MA MASAAJID HORTIIS HA LAGU BANNAANBAXAA LA YIRI?
Posted by admin on July 02 2009 08:24:49
(02-07-2009)Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Beryahan waxaan arkayey boggog Soomaaliyeed oo rabay in la carqaladeeyo Mu’tamarka ka dhacaya Sweden. Waxay qoonsadeen sheekh. Marka waxaa iga yaabiyey sida qof muslim ahi ku fekeri karo inuu inta hor istaago masaajid hortiis uu ku muddaharaado!
Extended News
(02-07-2009)Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Beryahan waxaan arkayey boggog Soomaaliyeed oo rabay in la carqaladeeyo Mu’tamarka ka dhacaya Sweden. Waxay qoonsadeen sheekh. Marka waxaa iga yaabiyey sida qof muslim ahi ku fekeri karo inuu inta hor istaago masaajid hortiis uu ku muddaharaado!

Waa masaajid hortiis. Waxaa kor laga arkay dad hor tuban oo boorar wata. Waxaa la isweydiiyey war maanta yaa masaajidka ku hor bannaanbaxaya? Qof baa yiri: amay yihiin kuwa u dooda xuquuqda xoolaha oo dhibsanaya xoolaha la gowraco? Mid kalaa yiri: amay yihiin kuwii cunsuriyiinta ahaa ee qaxootiga necbaa? Mid kalaa yiri: amay yihiin kuwa dadka muslimka ah neceb?

Intuba inta ka dhaqso lehe, dadka meesha tuban waa Soomaali maryoolay! Waa Soomaali muddaharaadeysa! Mid baa yiri: toloow ma Salmaan Rushdi baa meesha yimid? Mise xisbiyadii gaalada oo raba in la doorto baa meesha yimid sidaas darteedna muslimiintu waa dhibsanayaan dadkaas gaalada ah ee masaajidka galaya? Mid kalaa yiri: war amaa haweyneydii inkaarta qabtay ee ragga tujin jirtay inta ballan loo qabtay rabtaa inay dadka ku tujiso masaajidka sidaas darteedna dadku waxay u danqadeen diinta Ilaahay? Mid kalaa yiri: meesha dumar xijaab qabaa ka buuxee amay dabojoogaan oo ka dhiidhiyeen arrintii Faransiisku uga hadlay xijaabka?

Oday baa yiri: war horta maan dadka warsanno waxa jira inta iska deynno mala-awaalka? Waxaa la yiri howraarsan. Odaygii markuu dadkii bariidiyey buu yir: maxaa soo kordhay? Nin madaxii hoolmay oo da’ ahaa oo dadka ku jiray baa la soo booday: ma nin ka yimid kililka Shanaad baa raba inuu ka hadlo waxyaalaha ka dhacaya Xamar? Haweenay baa hadalkii sii daftay oo tiri: muu xoreysto waddankiisa waa isaga ka hadlaya Xabashida Koonfurta Soomaaliya joogtee?

Odayga akhbaar-raadiska ahaa oo yaabban baa wiil dhowr iyo toban jira oo dadka muddaharaadaya ku jiray yiri: adeer waxaannu diiddannahay sheekh ku jira culumada dadka wacdineysa! Sheekhaasi wuxuu taageeraa Muqaawamada oo wuxuu ka soo horjeeda sheekh Shariif.

Marka sheekhaas baan halkaan u joognaa inaan ku dirno dowladda Sweden! Odaygii wuxuu wiilkii ku yiri: weynoow.

Odaygii oo yaabban oo dhafoorada heysta baa yiri: Maxamed-dheere wuxuu maalmo dhoweyd joogay Switzerland mana maqal cid ku muddaharaaday! Faroole Maraykan buu marayey waxaan soo-dhoweyn ahayn kalama kulim. Riyaale, C/Raxmaan C/Shakuur iyo Axmed C/Salaan intaas London bay joogaan mana arag cid ku muddaharaaday.

Marka dhib ma leh oo fikradda waa la isku khilaafaa laakiin wuxuu yiri: waa sheeko ugub ah ooy bilaabeen qolyaha Shariifka iyo Janaqoow taageera. Odaygu wuxuu yiri: Sweden oon hadda joogno waxaa laga xusay 1-da Luuliyo iska daa waddama kalee. Marna waa yaab in meelaha lagu xusayo 1-da Luuliyo la weynayo halka masaajiddii Ilaahay lala soo raadsaday muddaharaadka! Marka wuxuu yiri: kooxda Shariifku waxay noo bilaabeen muxaadaro-bannad iyo masaaji- ku-horbannaanbax!

Odaygu wuxuu yiri: bal caqli xumaantooda miyeysan ogeyn inaan dadka reer Sweden kala aqoon Salafiyo iyo Suufiyo ama Muqaawamada iyo dowlad-ku-meelgaar ah midna?

Odaygii wuxuu yiri waxay Carabtu tiraahdaa: dab meel dheer ka baxaya ha iska aadin waxaa dhici karta in dabka loo oogay in wax lagu gubo! Haddaad inta bidhaan aragto is tiraahdo meesha wax baa lagu karsanayaa dabadeedna u tagto nin dab u oogtay inuu xaaskii ka gubo cudur ama geel ka ragaaday ku gubto haddee wax ka heli meysid laakiin haddaad rabtid in inta maddane dab laguu gasho in lagu gubo waa sheeko kale.

Marka odaygoo is lahaa aad badisid tirada muslimiinta ka hor muddaharaadeysa masaajidka isagoo qiiro gubeyso baa yaqiinsaday in meesha loo tagay in sheekh Soomaaliyeed loo colaadiyo halkuu ka yimid! Marka Shariif iyo Janaqoow waa lumiyeen dadkii waana isku direen ummaddii Soomaaliyeed. Hadda waxaa la marayaa in la arko Suufiyo hubkii soo guratay si ay ula dagaalaan Salafiyo.

Marka boggagga Soomaaliyeed ee rabay in ay dadka xamaasad geliyaan si loo bannado sheekh muxaarada akhrinaya haddee ogaadaa dowladda Sweden ma aha qof Soomaaliyeed oo jooga tuuladuu ku dhashay! Sidoo kale dadka reer Galbeedku waxay damcaan bey sameeyaan ee marna uma hogaansamaan aarada dad biyo hoostood iska haraatiyey. Marka boggaggaasoow waa la idin arkay. Waxaad waddeenna Ilaahay baa kala tuuray.

WASALLALLAAHU CALA NABIYINAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM.