Kulankii sanadlaha ahaa ee lagu qaban jirey magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden oo si habsamileh uga furmay Masjidka Weyn ee Balive iyo qalalaase ay shirka ka wadaan Tagerayaasha Janaqow iyo C/Xaashi
Posted by admin on July 02 2009 02:34:14
(02-07-2009)Mutamarkii sanadwalba lagu qaban jirey Dalka Sweden oo sihabsamileh uga furay Masaajidka Weyn ee ee Balive ee magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden iyo taageerayaasha Cabdirahman Janaqow iyo cumar Xaashi oo qalalaase kawada kulankaasi iyagoo ku doodaya in halkaasi lagu casuumey Culumo ka soo jeeda  Soomaliland iyo Puntland  halkii loo baahnaa inla casuumo kuwe Hawiye ah taasi o ka turjumeysa hadalkii Janaqow ee ahaa in Hawiye lagu soo duuley wadankan uu isagu difaacayo.

Extended News
(02-07-2009)Mutamarkii sanadwalba lagu qaban jirey Dalka Sweden oo sihabsamileh uga furay Masaajidka Weyn ee ee Balive ee magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden iyo taageerayaasha Cabdirahman Janaqow iyo cumar Xaashi oo qalalaase kawada kulankaasi iyagoo ku doodaya in halkaasi lagu casuumey Culumo ka soo jeeda  Soomaliland iyo Puntland  halkii loo baahnaa inla casuumo kuwe Hawiye ah taasi o ka turjumeysa hadalkii Janaqow ee ahaa in Hawiye lagu soo duuley wadankan uu isagu difaacayo.

Kulankan oo qeyb ka ah lumo sanadlaa oo lagu dhigo sanadkiiba mar magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden  laguna casuumo Culumo Somaliyeed oo kakala timaada wadanka Debediisa ayaa waxa uu sihabsamileh uga furmay Masjidka weyn Balive oo kuyaala magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden,iyadoo ayhalkaasina qalalaase kawadaan taageerayaasha Cumar xaashi Iyo Cabdirahman Janaqow kuwaasi oo ku doodaya in shirka lagu Casuumey Culumo ka soo jeeda  Soomaliland iyo Puntland ayna wadaan qabanqaabada shirka Dhalinyaro somaliyeed oo ay shegen in ay iyana ka soo jeedan  Soomaliland iyo Puntland iyagoona ku doodaya in loobaahan yahay in maadaama waxyaalaha looga hadlayo kulankaasi ay ubadan yihiin arimaha somaliya lahelo Culumo Hawiye ah taasi oo ka turjumeysa Hadalkii Janaqow iyo cumar xaashi oo ahaa magaalooyikii Hawiye aya alagu soo duuley Hawiye ayaana Difaacay.

Kulankan oo ah mid siweyn ay uga dhur sugayeen Shacaka Somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sweden ayaa hada waxa uu kasocdaa Masaajidka Weyn ee ee Balive ee magaalaad Goteborg ee wadanka Sweden halka ay qas kawadaan banaanka goobta uu shirku ka socdo taageerayaasha janaqow iyo cumar xaashi iyagoo ku doodaya in Culumada halkaasi isugu timid ay ihiin kuwo taageera dagaalada ka socda Magaalada Muqdishu ayna dadka ku dhira gelinayana in dagaalkaasi la sii wado.

Midka mid ah kuwa abaabulya qaskaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyey Muuse ayaa sheegay in Ragan culumadaa ee halkaan isugu yimid ayka soo kala jeedaan Soomaliland iyo Puntland aysana xaq ulaheyn in ay ka hadlaan arimaha ka socda magalaada muqdishu waayo iyagu uma dhalan deganadaasi.

Waxaan u baahanhay in la helo Culumo ka soo jeeda Beesha Hawiye oo ah beesha ay deganadooda dagaaladu ka socdaan marka kuwa shirka wada oo daadihinaya iyo kuwa lagu casuumeyba waxey sii hurinayaan dagaalada ka jira magaalada Muqdishu ayuu jire Muuse.

Dhinaca kale waxaan xariir la sameynay mid kamid ah qaban qaabiyaasha kulankaan oo ku sugan Masaajidka Balive oo aan wax ka weydiiney waxyaalah kadanbeeya qaskaan hareereeyey kulanka wuxuuna noo sheegay in ay jiraan kooxo iyagu taageersan Dowladda KMG ah oo ku raali ah in umada masaakiintaa la xasuuqo aana laga hadlin Culumada halkaan isugu timid waa kuwii awelba la casuumijirey iyo kuwo lagoo daray qabiil gaar ahna maahan.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegay in qalalaasaha ay qeybkatahay maqnaashaha Imankii Masjidka weyn Balive oo isagu hada ka maqan wadanka taasina ay keentay in ay lunto kala danbeytii iyo maamulkii masaajidka.

Isku soo wada duuboo shacabka ku nool Magalaada Goteborg ee wadanka Sweden ayaa taageerayaasha Janaqow iyo Cumar xaashi ugu baaqay in ay Illaah ka xisshoodaan oo ay ka tanaasulaan howsha ay wadaan oo lagu tilmaamay mid lamid ah kuwii lagu taageeri jirey dagaal ooga yaashii Muqdhiso,iyagoo ku wargeliyey in aan diinta Hawiye iyo daarood iyo Isaaq toona laheyn ee ay tahay iinu laah loona baahan yahaya in hadii wax qaldan yihiin laga wada hadlo oo culumada lala doodo.

ikran Samow
Goteborg,Sweden
ikranbelo@hotmail.com