Ciidamo Ethiopian oo xalay ilaa saakay siweyn ugu soo siqaya Magaalada Beletweyne ee Gobolka Hiiraan iyo barakac ka bilowday degano badan oo ka tirsan Gobolkaasi.
Posted by admin on July 02 2009 01:51:03
(02-07-2009)Sida ay ku soo waramayaan shcabka ku dhaqan tuulooyinka Ceelgaal iyo Ilka cade oo qiyaastii wax kayar 17KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalda Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in tuulooyinkii ay ku noolyihiin xalay ilaa saaka ay hareeyeen dhaqdhaqaaq milatari oo aad u xoogbadan oo ay sameenayaan cutubyo katirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan isgooska kalabayrka.
Extended News

Sida ay ku soo waramayaan qaar kamid ah dadweynaha ku nool deganka Jawiil aya awaxa ay sheegayaan in Ciidamada Ethiopia ay habeenkii xalay isku soo fidiyeen degano farabadan oo katirsan Gobolka Hiiraan kuwaasi oo sida la sheegay ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka iyo weliba Ciidamo kale oo lug ah.
Deganada Ceelgaal iyo Ilka ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaanba uu ka bilowday qas iyadoo dadkii xoolo dhaqatada aha aee deganaadsi ku noolaana ay labaxsadeen wixii ayla baxsan karaan iyagoo isaga fogaanaya amaba ka baxsanaya in Ciidamada Ethiopia ay dhac iyo dilba ugeystaan.
Dhinaca kale wararka laga helayo isgoyska Kalabeer ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo hor leh oo Ethiopian ah oo si aad ah u qalabeysan ay xuduuda ka soo gudbeen islamarkana ay ku soo biireen ciidamadii kale ee Ethiopianka ahaa ee ku sugan isgoyska Kalabeer iyadoo ay wararku intaasi ku darayaan in laga yaabo in ciidamadaasi ay saacadaha soo socda soo garaan magalaada /weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.