Taliyihii Maxkamadaha islaamiga Magaalada B/Weyne oo saakay isaga baxay Maamulkaasi isagoo ku eedeeyey in kooxha hada halkaasi kusugan ay ka shaqeynayaan Sidii wadanka Ciidamada Ethiopian loogu Soo
Posted by admin on July 02 2009 01:33:22
(02-07-2009)heeq Ibraahim Yuusuf oo ahaa Taliyihii maxkadaha islaamiga Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay waxa uu isaga Baxay Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolkaasi Hiiraan isagoo ku eedeeyey in rag kamid ah masuuliyiintii Maxkamadaha Islaamigaa iyo Masuuliyiintii Hore ee Gobolka qaarkamid ah ay wadaan qorshe la doonayo in Ciidamadii Ethiopian dib dalka loogu soo celiyo isaguna uusan midaasi udul qaadan karin uuna ka doorbiday in uu udiyaar garoobo dagaal uula galo Cadowga Illaahey sida uu sheegay.
Extended News

Sheeq Ibraahim Yuusuf oo ahaa taliyihii maxkamadaha islaamiga Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay waxa uu sheegay in uu isaga Baxay Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee uu Xubinta ka ahaa maadaama sida uu sheegay ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay dalka ku soo galinayaan Ciidamo Ethiopian ah isaguna uusan hada waqtigaan raali ku noqonkarin in marlabaad Cadowgii ay dagaalada adag la galeen wadanka lagu soo celiyo.
Sheikha Waxa uu carabka ku dhiftay in uu haatan go'aansaday in uu la dagaalamo ciidamo cadow ah oo uu sheegay in ay u soo qalab wataan dalka Soomaaliya,isagoona tilmaamay in aysan jirin cid uu isku dhiibay islamarkaana uu ku biiray balse uu go'aansaday in uu ku biiro cidwalba oo Islaam ah oo ayka go'antahay in ay ladagaalamaan cadowga Ciidamada Ethiopian oo uu sheegay in hada lagu casuumayo in ay dalka ku soo laabtaan.
Sheeq Ibraahim Yuusuf ayaa lahadal hayey in mudooyinkii ugu dambeeyay uusan raali ka aheeyn dhaq dhaqaaq Ciidamada Ethiopia ay ka wadeen qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan,ayna jireen is qilaafyo u dhaxeeyey isaga iyo masuuliyiinta Maxaakimtii islaamka ee ku biiray Dowladda KMG ah kaasi oo ku aadan ay qaarkamid ah Masuuliyiintaasi ay usacaba tumayeen in Ciidamada Ethiopian ay dib ugu soo laabtaan dalka.