W/Dowlaha Gaashaandhiga Indhacade oo Usama Bin Ladin Ugu Baaqay in uu Toobad keeno isagona dhinaca kale Shacabka Somaliyeed ugu kuwargeliyey In ay dagaal adag lagalaan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.
Posted by admin on July 01 2009 01:08:40
(01-07-2009)Wasiiru dowlaha Gaashandhiga Dowladda KMG Yusuf Indhacade ayaa si kulul u weeraray xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo shacabka ugu baaqay in ay dagaalo adag lagalaan xoogagiisi oo uu ku tilmaamay in ayyihiin kuwo fulinaya Dano shisheeye isagoona dhinaca klae Hogaamiyaha Al-Qaacida Sheikh Usama Binladain ugu baaqay in uu katoobad keeno hadalkiisii ahaa in Dowladda uu Sharifku madaxweynaha kayahay ay tahay Dowlad uadeegta Wadamada Reergalbeetka ayna waajibtey in lala dagaalo.
Extended News
(01-07-2009)Wasiiru dowlaha Gaashandhiga Dowladda KMG Yusuf Indhacade ayaa si kulul u weeraray xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo shacabka ugu baaqay in ay dagaalo adag lagalaan xoogagiisi oo uu ku tilmaamay in ayyihiin kuwo fulinaya Dano shisheeye isagoona dhinaca klae Hogaamiyaha Al-Qaacida Sheikh Usama Binladain ugu baaqay in uu katoobad keeno hadalkiisii ahaa in Dowladda uu Sharifku madaxweynaha kayahay ay tahay Dowlad uadeegta Wadamada Reergalbeetka ayna waajibtey in lala dagaalo.
Yusuf Indhacadde oo habeenkii xalay ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay 49 guuradii ka soo wareegtay markii uu xoroobay dalka Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koofureed ee Soomaaliya ayaa wuxuu weerar ku qaaday Hogaamiyaha Al-qaacida iyo weliba Xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo sheegay in arimaha Somaliya ay qasayaan labadaasi qolo ida uu hadalka udhigay.
Yusuf Indhacadde ayaa Hogaamiyahaa al-Qaacida Sheikh Usama Bin Ladin ugu baaqay In uu illaah u toobad keeno kana noqdo hadalkii sii ahaa in dagaal lalao galo Dowladda KMG ah ee Somaliya isagoo sheikh ku sheegay in uu xadfudub sameeyey loona baahan yahay in uu toobad keeno,dowladda somaliya waa Dowlad Islaaami ah adiguna Usamow waxaad ku sheegatay Dowlad u adeegta wadamada reer galabeedka ayuu yiri Indhacadde arinkaasana waxaa lagaaga baahan yahay in aad ka toobad keento.
Wasiiru dowlaha Gaashandhiga Dowladda KMG ah Yusuf indhacadde ayaa dhinaca kale wuxuu weerar afkaa ku qaaday xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo uu ku tilmamay in ay yihiin koox fidna wadayaal ah umada somaliyeedna looga baahan yahay in ay iska qabtaan sida uu hadalka u dhigay.
Nimanka isku magacaabay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxa ay wadanka kawadaan mahan wax la firrsan karo waad aragtaan in ay umadii somaliyeed qalqalayaan oo Gowracayaan waad ujeedaan in ay diideen nabadii oo dhan ayna ka doorbideen dagaal joogto ah iyo bara kicin ay umada ku hayaan sidaasi darteed waxaa shacabka halkaan caawa isugu yimid iyo kuwa maqanba loogu baaqayaa in ay Kooxahaasi wadanka ka difaacaan oo ay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro.
Ugu danbeyntii ayuu Indhacadde wuxuu shacabka ku war geliyey in Dowladda Somaliya tahay mid Islaami ah loona baahan yahay in shacabku difaaco oo uu kahortago kuwa Shisheeyaha u adeegaya ee Dowladda Dagaalka kula jira sida uu hadalka udhigay.
Ma'ahan markii ugu horeysey ee Yusuf Indhacadde uu weerar dhinaca afka aku qaado xoogaga Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin isagoo kan kii ka horeeyey maruu kahadlayey Dekeda weyn ee muqdishu yiri kooxda Al Shabaab waa Khawaarij dadkana waxaa ugu qeyrbadan ninkii ay dilaan ama isagu dila nin iyaga kamid ah.