Shacabka Somaliyeed waxaa marwalba ku jira kuwo Qabiil Iyo dano gaar ah aan marnaba ka dhamaan Hadaba waa mahaxay danaha laga leeyahay Baroordiiqda loo sameynayo Dagaal ooga yaashan.
Posted by editor on June 30 2009 04:49:22

(30-06-2009)Inbadan oo kamid ah Shacabka Somaliyeed magaran karaan danaha laga leeyahay in baroordiiq loo sameeyo Shaqsiyaad Taariikh madow ku leh Bulshada somaliyeed balse waxaa jira mawlaba koox gaar ah oo iyagu Dano Qabiil Iyo Siyaasado ay iyagu wataan u sameeya waxwalba oo ay doonayaan si ay ugu yaaraan danahooda.

Extended News
(30-06-2009)Inbadan oo kamid ah Shacabka Somaliyeed magaran karaan danaha laga leeyahay in baroordiiq loo sameeyo Shaqsiyaad Taariikh madow ku leh Bulshada somaliyeed balse waxaa jira mawlaba koox gaar ah oo iyagu Dano Qabiil Iyo Siyaasado ay iyagu wataan u sameeya waxwalba oo ay doonayaan si ay ugu yaaraan danahooda.

Hadaba Tacsida ama baroordiiqda loo sameynayo shaqsiyaadkan aykamid ka yihiin Cumar xaashi iyo Ing Cadow iyo kuwa ku wehliya Sawirkan oo iyagoo dagaal kula jira Shareecada islaamka iyo muslimiinta lagu qaarajiyey dagaaladii ay iyagu abaabulayeen maxeytahay sababta maanta qaarkamid ah Mulshada somaliyeed ay ugu sameynayaan wax ay ugu yeereen Baroordiiq ama Tacsi taadrabto ugu yeere.

Waxaa jira shaqsiyaad iyagu arinkaan u abaabuliya nuuc qabiil iyo kuwo kale oo iyagu dano gaar ah oo ay ka leeyihiin ururo wax caawiya ama hey'ado usameynaya waxakan loogu yeerayo baroordiiqda kooxahan kala duwan ee iyagu danaha badan oo isdhaafsan wata waxaa laga yaabaa in qaarkamid ah shacabka somaliyeed ay uarkaan in sababta ay waxaan usameynayaan aytahay Somalijecli balse xaalku waa ka duwan yahay sidaasi oo waxaan dhihi karaa waa Gaalo jecli.

Kumanaan somaliya aya amaalin kasta xaqdaro loogu dilaa Dalka somaliya qaasatan Magaalada Muqdishu iyadoo weliba ay jiraan kumanaan kale oo baahi u baqtisa halka intaasi inkabadanina ay dhaawacyo iyo dhibaatooyinkale Cisbitaalada ugu jiraan welina ma aynaan maqal wax baroordiiq ama sadaqo ama xitaa hadal ay kooxahan Cumar xaashi iyo saaxiibadiis Tacsida u dgigayaa ayku tareen dadkaasi masaakiintaa.

Hadaba waxaa ii cadaatay in wax tacsi layiraadoba aysan banaaneyn Hadiiba loodhigi karo kooxdan dagaal ooga yaashaa waayo wax wanaagsan waxaa leh wixii wanaagsan wixii xuna waxaa leh wixii xun marka qolooyinka Maanta baroordiiqda udhigaya kooxdaan dagaal ooga yaashaa oo Illaah ka qabtay umada waxey ku doodayaan in illaah uusan cadaalad usameyn qolooyinkaan waayo waxey sheegayaan in ay ka xunyihiin Geerida ku timid Shaqsiyaadkaani.

marka hadii ay idiinla muuqato in Geerida Dagaal oogayaashan aysan Xaq aheyn waxaad ogaataan in aad danbi illaah ka gasheen maalinta Qiyaamane su'aal ay idin sugeyso waayo mabanaana in aad cadow Ilaahey oo illaah umadiisa uga nasteexeeyey aad ku doodaan in aan geeridoodu xaq aheyn baroor diiq Macnaheeduna waxaaweeye Geerida Shaqsiyaadkaas boordiida loo sameynayo xaqmaahan.

Waxaan rabaa in arinkaan uu umada somaliyeed waadix u noqdo Cidii qaadaneysana ay qaadato cidii kalena ay iska dhaafto Illaah ayaana qofkasta xisaabin doona marka ogaada ninkii geerida dagaal oogayaashan aylatahay mid qaldan wuxuu ku jiraa xaalad aan caadi aheyn ee hadii uu islaam yahay hatoobad keeno hadii uu gaal yahayna hade isaga arinkiisa Illaah ayaan udegney.

N/B Shabakada warkadalka waxa asoo gaaray baaqyo badan oo looga soo horjeedo Baroordiiqda Loo sameynayo Kooxdan ku mideysan sawirkan oo siyaabo kala duwan loogu diley Dalka somaliya,

Hadaba waxaan aqrista yaasha warkadalka.com kuwar gelineynaa in maalinta jimcaha Soosocota ee 3/07/09 aan soo gudbin doono Doodo fara badan oo ay noo soo direen qaarkamid ah Aqristayaasheena kulanool daafaha dunida oo ay uga hadlayaan sida ay u arkaan in Baroordiiq loosameeyo Kooxdan iyo Inkale ,hadii aad dooneysaan in aad ka qeyb qaadataan Fadlan qoraalkaaga ama Rayigaaga soo Gudbi intaan lagaarin Jimcaha ,mahadsanidiin. Qaderinta koowaad waxaa iska leh dadka ugu soo horeeya ee Rayigooda noo soo horgudbiya Insha alllah.