Indhacadde iyo Goobaalle oo loo qorsheeyey in ay tagaan Gobolka Galgaduud iyo Maleyshiyaadka Ashado ladirka oo ka dhawaajiyey in aysan Imaankarin Gabolka Labadaasi Shaqsi.
Posted by admin on June 30 2009 02:03:25

(30-06-2009)Iyadoo ay socdeen dadaalo lagu doonayey in Saraakiil ka socota Dowladda KMG ah loo diro Gobolka Galgaduud qaasantan Dhuusa Mareeb Iyo GuriCeel loona qorsheeyey in halkaasi ay safar ku tagaan Indhacadde Iyo Goobaale oo deegan ahaan ka soo jeeda ayaa waxaa soo ifbaxaya Diidmo ay arinkaasi ka muujiyeen horjooga yaasha Ashahado ladirka kuwaasi oo sheegay in labadaasi Shaqsi aysan imaankarin deganadaasi.
Extended News
(30-06-2009)Iyadoo ay socdeen dadaalo lagu doonayey in Saraakiil ka socota Dowladda KMG ah loo diro Gobolka Galgaduud qaasantan Dhuusa Mareeb Iyo GuriCeel loona qorsheeyey in halkaasi ay safar ku tagaan Indhacadde Iyo Goobaale oo deegan ahaan ka soo jeeda ayaa waxaa soo ifbaxaya Diidmo ay arinkaasi ka muujiyeen horjooga yaasha Ashahado ladirka kuwaasi oo sheegay in labadaasi Shaqsi aysan imaankarin deganadaasi.

Tan iyo markii la diley Wasiirkii Abniga Qaranka Dowladda KMG ah Cumar Xaashi ayaa waxaa lagu guda jirey in lahelo Saraakiil safar ku tagta Gobolka Galgauud kuwaasi oo kulama la soo yeesha horjooga yaasha Maleyshiyaadka Ashahado ladirka labaxay hlu suna Waljameeca.
Kulamo iyo wada tashi dheer kadib ayaa waxaa go'aan lagu gaarey in Gobolkaasi loodiro Indhacadde iyo Goobaalle oo iyagu gobolkaasi ka soo jeeda dhalasho ahaan kadib markii la diyaariyey safarkoodii loona dhameystiray wixii ay u baahnaayeen ayaa arinkii waxaa ka hor imid Horjoogayaasha Ashado ladirka kusugan qeybo kamid ah Gobolka iyagoo sibuuxda ugu wargeliyey Dowladda KMG ah in labadaasi shaqsi aysan cagta soo dhigi karin deganadaasi.
Ninka ugu sareeya Maleyshiyaadka Ashadao ladirka Cumar Sheikh Maxamed faarax ayaa madaxweyne sharif ku soo wargeliyey habeenkii xalay in aysan aqbali karin in labaadsi Shaqsi loo soo diro gobolka isagoo ku eedeeyey in ay labaduba kamid ahaayen saraakiishii Gobolka Gacanta ugelisey waxa uu ugu yeeray Khawaarijta aysan marnaba yeeli doonin in ay halkaasi yimaadaan.
wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Sharif uu isku deyey in uu Horjoogaha Maleyshiyaadkaasi ku qanciyo in waxwalba oo jirey hada laga soo gudbey labadaan masuulna ay hada iyagu yihiin raga ugu adadag ee dagaalada kula jira xarakatul Shabaabul Mujaahidiin sidaasi awgeedna ay halkaasi utegi doonaan sidii ay qeyb lixaadleh uga qaadan lahaayeen sidii dagaal loola geli lahaa kuwa nabad diidkaa sida uu hadalka udhigay.
Cumar Sheikh maxamed faarax Horjoogaha maleyshiyaadka Ashado ladirka ayaa Madaxweyne shariif u sheegay in arinka imaanshiyaha Labadaasi masuul ayka fariisteen Hogaanka sare ee Waxa uu uyu yeeray Ahlu Suna waljameeca balse ah Ashado ladirka iyadoona go'aan cad laga qaatay leyskuna raacay in aysan imaankarin gobolka marka dii aad wafuudkale soo direysaan oo aysan ku jirin labdaasi shaqsi waan aqbaleynaa ayuu yiri.
Isku soo wada duuboo hadalka ka soo yeeray horjoogayaasha maleyshiyaadka Ashado ladirka ayaa umuuqda mid meesha ka saaraya in Dowldda uu madaxweynaha ka yahay Sharif ay wufood udirato gobolka galgaduud marhadii ladiidey in Indhacadde iyo goobaalle tagaan halkaasna ay adagtahay cidkale oo katirsan Dowldda KMG ah in ay aqbasho in ay halkaasi tagaan.