Ujeeddo:Ka Tashada Cadawaha Isku Tiirsanaadaa

(30-07-2009)Kismaayo:-(Allkisima)-Wakiilka Qaska & Qalalaasaha Soomaaliya loo soo diray Dambiile Dagaal Gabre Tigree oo uga wakiil ah Cadowga soo jireenka Soomaaliyeed ee Tigrai ayaa hordhac u sameeyey shir 30 qof oo Mudanayaal Baarlamaan Daarood, 16kii,Juulaay,2009kii.Waxyaalihii uu u sheegay Mudanayaashaasi waxaa ka mid ahaa :

Hawiye Dowlad baa loo soo dhisay weyna burburtay iyadoo aan lix bil gaarin, sidaa aawadeed dhulka Jubbaland ayaan idin qabaneynaa ee ka dhista dowlad goboleed anagaa idin keenayna ciidamo idin Qabta goboladaasi, Eebee wuxuu yiri{ Wuxuu la mid yahay Sheydaankii qofka ku yiri : Gaal noqo, markuu gaaloobayna ku yiri anigu beri ayaan kaa ahay, Eebbaha Caalamka abuuray ayaan ka baqayaa}

Shirkii kan ka horeeyey wuxuu isla goobtaasi ka dhacay Axad,19kii, Juulay,2009 markuu furmay Shirkii hore oo lagu sheegay ajandaha inuu ka kooban yahay 2bo qodob oo kala ah :

1- Dib u Heshiisiinta Daaroodka
2- In la dhisho Maamul goboleed Jubbaland oo uu

Madaxweyne ka yahay DambiileDagaal Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Markii lagu yiri ka soo qeygalayaasha hadalka waa idin furan yahay waxaa markii ugu horeysayba gacanta tagaay Xuseen Cali Cilmi, Gudoomiyaha Xisbiga (Dhalinyarada Siyaasiyiinta Soomaaliyeed) ee isagu Reer Waamo ah, wuxuuna halkaa ka sheegay:

Hadii Dowladda Tigraay ay dooneyso iney la kulanto dowlad xuduudaheeda ka talisa oo rag Daarood ay xubno ka yihiin waxey ka helayaan dalka Kiinya sida Mudane Faarax Macalin oo ah Af-hayeen ku xigeenka Baarlmaanka Kiinya, isaguna weynu soo balanay oo wuu ogyahay maanta inaan halkaan ka hadlayo iyo waxa aan ku hadlayaba, sidaa aawadeed
waxaan idin sheegayaa inaad tihiin dhammaantii qaxooti, anigoo ka jawaabaya maamul goboleedka la sheegay, waxaan idin leeyahay waxaan ku hadlayaa: Magaca Xoogagga Heysta Jubbooyinka iyo ka shacabka Jubbooyinka maadaama uusan halkaa ku sugneyn qof
ka tirsan mas'uuliyiinta Maamulka Jubooyinka, waxaan kaloo ku hadlayaa magaca Guddiga Kablalax oo iyaga laga mamnuucay iney Gabre la kulmaan.

sidaa soo kale waxaan ku hadlayaa magaca Xisbiga aan Madaxda ka ahay, intaa ka dib, Xoogga Islaamiyiinta ka hor intayan ka saarin Kismaayo Dambiile Dagaal Barre Hiiraale shir Dib U heshiisiin Daarood oo xalaal ah ayaan qabanay oo Mareexaanku ay ku qirteen: Xasuuqii, Baro kicintii iyo dambiyadii kale ee ay galeen wuxuu ahaa shir xalaal ah oo ay faro gelin Cadow(Tigree) ku jirin, shirkanse waa Hal xaaraam ah nirig xalaal ma dhasho, waa shir Soomaali lagu kala geynayo oo uu cadow soo abaabulay, uga ma hadli kartaan wax ka soo horjeeda maamulka ka jira
Jubbooyinka(Jubbada hoose, Dhexe, & Gedo), maxaa yeelay kalsooni buuxda ayaa ka dhaxeeysa shacabka iyo maamulkaasi, ammaanka maanta halkaasi ka jira ma soo marin intii ay Soomaaliya xurriyada qaadatayilaa iyo manta, ugu dambeyn waxaan idin
sheegayaa in labada nin ee ay ka degi weyday fidnada Daarood dhexdiisa ee kala ah :

Barre Hiraale iyo Moorgan, & Gabraha macallinka u ah aan u gudbinay dambayadii ay ummadda ka galeen Maxkamadda Dambiyada Dagaal ee Caalamka oo aad shartooda ka nasan doontaan, shirkiina waad sii wadan kartaan haddaad u maleynaysaan inaad khilaaf
jiraa aad ku joojin kartaan, balse waxaad ogaataan inuusan jirin gobolada Jubbooyinka khilaaf beelaha dhexyaal oo ay ceesh wa milix isku yihiin.

Intaa ka dib Jenraal Moorgan markuu maqlay waxa loo gudbiyey Maxkamadda Dambiyada wuu madoobaaday isagoo aad u murugeysan ayuu bilaabay inuu ka soo qeybgalayaasha marba mid la shooro, waayo wuxuu ogyahay in madaxweynayaal badan oo afrikaanka ah
iney maxkamadda heyso, halka kuwo kale la doon doonayo, isna cidda dacweynaysa ay tahay Tolkii uu ka dhashay, oo la oran maayo qabiil kale oo neceb ayaa heysta, hadalada Xuseen wxey burburisay ujeedadii shirka oo idil. Inkastoo Xasan Abshir isku
dayay inuu ku qanciyo Xuseen inuu ka noqdo hadaladiisa kulkulul, balse wuu ku gacmo
sayray.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25kii Juulay,2009 waxaa halkiisa ka sii socday gaar ahaan Hal-ka maqaaxida ku taal dabaqa 3aad ee Chester house, Nairobi shirarkii lagu shirqoolayey nabadda, is dhexgalka & wanaagga ka jira Jubbooyinka(Jubbada hoose, Dhexe, & Gedo), waxaana lagu marti qaaday 90 qof oo Daarood ah . Dambiilayaasha isku sheega iney yihiin Mudanayaasha Baarlamaanka Daaroodkooda ee aan cidna
wakiilan ayaa maanta martiqaadka u sameeyey 90ka xubnood oo Beelaha Daarood ka tirsan, waxey soo hordhigeen qoraal ka kooban hal bog kaa soo ay damceen iney jujuub ku marsiiyaan ka soo qeyb galayaasha, oo iyaga ku gacmo seyray. Hadafkuna wuxuu ahaa in Maamul Goboleed Dibad Joog lagu dhiso Kiinya dabadeed laga codsado dowladaha Itoobiya iyo Kiinya iney ku taageeraan ciidamo u qabta 3aasi gobol, qaabkii ay wax u socdeen waxaa ku gacmo seyray ka qeyb galayaasha kolka laga reebo Xubnaha uga qeyb gelay Mareexaanka Reer Galgaduud oo iyagu aan wax degaan ah ku laheyn Jubbooyinka, dambiyo fara badan oo ay xittaa Cawaanta aan diin laheyn ka xishooto ka smeeyey Jubbada hoose, sababtuna waxa weeye qof Dambiile Dagaal oo iyaga ka mid ah ayaa loo wadaa inuu Madaxweyne ku sheeg ka noqdo jubbooyinka, sidaa aawdeed waa lagu soo kala tagay shirka maanta, laakiin weli rafasho ayey ku jiraan meel ay la gaarota-ba, balse durbaankii la xado intee lagu tumaa Waxaan intaa raacineynaa Jawaabta shacabka Waamo: Sideedaba Qof ama kooxda aad la shirkoobi waxaa la eegaa Mas'uuliyiintooda nooca ay yihiin, Akhlaaqdooda, waxa ay heystaan oo ay doonayaan iney kugula shirkoobaan .

Madaxdooda:(a) Ugaas Cumar ayaa Madax u ah waxaana lagu yaqaan dhaqamadan:

Sida Colaad Hurin, Tusaale:Gaari Laankuruusar oo cusub oo uu lahaa nin Ugaar Saleymaan ah ayaa maleeshiya Mareexaan ka dhacday Kismaayo waxeyna la tageen Gedo, Ugaas Cumar ayaa lala xiriiray oo laga codsaday inuu soo celiyo, balse wuxuu ku jawaabay inuu xirto gambo oo uu ku yiri raggii la joogay hadda ha la jaro gaarigan oo qori ha la saaro, markii amarkiisa la fuliyey ayuu haddana yiri ilaa Mareexaan is abaabulo oo uu Kismaayo ku duulo iska dhigi mayo gambada gabdhihiinana guur ma leh. Waa arin la yaab leh Ugaaskii nabad iyo wanaag inuu ka sheqeyo loo doortay inuu noqdo colaad huriye.

b) Aflagaado Eebbe: Tusaale:Xubno ka tirsan Dowladdii Carto iyo Xubno Mucaarad ah oo ka tirsanaa SRRC ayaa ku dagaalamay Buurdhuubo sanadii 2001kii BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ay Ugaaska weydiisay inkastoo aySiyaasadda ku kala duwan yihiin haddana dhammaantood adiga ayaa Ugaas u ah ee maxaad u heshiisiin weyday? Wuxuu ku jawaabay Ugaaska wax Ummadda ka fajiciyey oo sababay iney Raadiyayaasha isaga cararaan si uusan ugu qarxin dambiga uu ku hadlay weyninkiisa, hadalkii Ugaaska wuxuu ahaa inuu ku jawaabay{Allihii abuuray ayaa Mareexaan Heshiisiin kari waayey, ma anigaa heshiisiin kara } (1)

c) Sahro Ugaas Faarax oo uu dhalay Ugaaskii Reer Dalal ay ku dileen Caabud Waaq sanadii 2000ka, waxey door weyn ka cayaartay dagaaladii wasakheysnaa ee Kismaayo lagu qabsaday oo dooxatanimada ku caan baxay, xasuuq, barokicin, kufsad, dhac iyo boob, suntan waskhda Niykleerka oo lagu aasay Yoontooy 2002gii iwm, ayadoo ka soo jeeddo Qoys Reer Ugaas ah

d) Xildhibaan Barre Adan Shire(Barre Hiiraale): Sunta wasakhda haraadiga Niyuukleerka ayey isaga iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar ku aaseen sanadii 2002dii, Tuulada Yoontooy oo 30km u jirta Kismaayo aheydna halka Kismaayo ay uga iman jireen biyaha wabiga oo la sifeeyey xilligii dowladda. Waxeyna heshiiska sun aasidda la galeen Shirkadda Boorin oo xarunteeda tahay Busaan Caasimadda 2aad ee Kuuriyada Koonfureed, waxeyna ku qaateen $US3milyan

(2)Akhlaaqdooda & Diintooda: Dilalkii iyo ficiladii ay geysteen waxaa ka mid ahaa noocyo aad u fool xun xittaa Yahuudda ayan ka geysan Falastiin, waxaana ka mid ah noocydan:

a) Gabadh uu dhalay Feyreesane oo 5 sano jirtay ayey kufsadeen , hooyadeed oo ay abti u ahaayeena way dileen markey u soo dacwootay qaar iyaga ka mid ah.

b) Gabar kale oo ay ku arkeen meel aroos iyadoo ka cayaareyso ayey waxey weydiisteen iney guursadaan markey diiday intey wejiga qabteen ayey gadaal gadaal u tureen dabadeed intey qaawiyeen ayey xabad kaga dhufteen xubinta taranka dumarka dabadeed halkaa ayey ku geriyootay.

c) Ninkii sixirka iyo faalka u sameyn jirey ayaa ku yiri: Haddii wiil Harti oo saqiir heshaan oo aad gacanta sakiin kaga sartaan subax kasta oo aad ku daadisaan dhiiggiisa webiga Jamaame si deg deg ayaad Kismaayo u qabsaneysaan, markaa ayey ku dhaqaaqeen iney helaan wiil ceynkaa ah, dabadeed waxey afduubeen Ina Cabdi Suleymaankii Dhulbahante oo ahaa 11sano jir ah. Wiilka in muddo ayey dhiiggiisa ku faashan jireen iyagoo subax kasta geeya wabiga oo dhiigiisa qeybo ka tirsan ku daadiya halkaa. Ugu dambeen si foolxun ayaa loo dilay isaga iyo 8 qof oo kale iyagoo gacmaha ka xiran kuna sii xiran aqal Soomaali ayaa gaari bagaase la mariyey ilaa hilbahooda iyo lafahooda ay shiidmeen

d) Ninkii sixirka iyo faalka u sameyn jirey ayaa ku yiri: dumarkiina qaar ka mid ah inta saxaroodaan ha ku malaaseen gudaha Masjidka derbiyadiisa si deg deg
ayaad Kismaayo u qabsaneysaan, Haweeney sidaa ku sameynaysa Misjid ku yaal xaafadda Fara Janno ayaa lagu qabtay .

e) 27kii Juun, 2008 waxey xoog ku galeen guri uu lahaa nin Dhulbahante ah oo deganaa xaafadda Shaqaalaha salaadda Makhrib ka dib, xabad ku fureen waxaa halkaa ku sugnaa hooyo iyo 3 caruur oo ka ugu weyn uu ahaa 7sano jir, durbadii labo halkaa ayey ku geeriyoodeen , halka 2da kale uu dhaawac halis soo gaaray

f) Maslax Maxamed Siyaad wuxuu ahaa ninkii bixiyey hubkii aabihii looga saaray Muqdisho laguna ridey dowladdii uu madaxda ka ahaa, lacagtii uu hubkaasi
siistayna aakhirkii waxaa ka dhacay ina Dalfac, yaa maanta aaminaya caasi waalideyn oo aan isagaba waxba isku faleyn

g) Dadka sida foosha xun loo dilay waxaa ka mid ah:

Tuulada Goobweyn oo 8km ka xigta Kismaayo dhanka waqooyi waxey Jabhadda Walaalaha Galgaduud & Jeneraal Moorgan ku heshiiyeen in gaari Bagaase lagu dilo 9ka Marxuum, falkani foosha xun wuxuu dhacay bilo ka hor intaan Kismaayo la qabsan 11kii Juun,1999kii, marxuumiintan lafahooda iyo hilbahooda wey shiidmeen waayo waa lagu celceliyey gaariga la dulma riyey, waxaan halka ku xuseynaa lix ka mid ah waxayna kala yihiin:Cabdi Rahman Maxe'd Ciise(55jir),

Injineer Cabdirizaaq Xirsi Dheere(60jir), Ina Cabdi Suleymaan(11jir), Cabdi Muuse(50jir), Yuusuf Xasan Baadari(80jir), Faarah Xuseen Nuur(40jir). Sida da'dooda ka muuqato waxaa ku jira wiil yar oo aan qaan gaarin, iyo odey waayeel ah. Sababta loo dedejiyey dilkooda waxa weeye :

Injineer Cabdirizaaq Xirsi Dheere oo ahaa nin aad u ururiyo shirqoolada uu Moorgan ku dilo saraakiisha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada Hartiga ugu firfircoon,iyo sida foosha xun ee uu ula shaqeeyo reer xididkiisa, wuxuuna ka qoray buug, si loo waayo buuggaasi iyo ninkii qoray darteed ayaa loo dedejiyey ka dib markii la maqlay inuu Imaaraadka ka soo socdo wiil Ceyr ah oo uu Marxuumku abti u yahay oo doonayey inuu abtigii soo furto. Abshir Faardi oo Moorgan ay aad isugu dhow yihiin, abtina u ahaa gabadha uu ka geeriyooday Marxuumka wuxuu u sii maray sidii loo gubi lahaa buuggaasi, balse wuxuusan ogeyn inta akhbaarta ururisa iney yihiin intooda badan shabakad qarsoon

Saciid Cumar Xaddi(30jir) oo ay gurigiisa ku noolaayeen ayeydiisa iyo dad dhowr ah
oo reer abtigii(Reer Dalal) ayaa 20 casho ka hor qabsashadii Kismaayo waxa ku qabtay niman Reer Dalal ah meel Kismaayo u jirta 20 km isagoo wata gari u siday dawo uu u wadey farmashi uu ku lahaa Kismaayo, labada gacmood iyo labda lugood ayey isaga xireen dabadeed gaarigii uu watey ayey dabada kaga xireen ilaa uu ka geeriyooday, oo lafaha iyo hilbaha jirkiisa waxaa laga soo ururiyey si loo aaso dhirta qodxaanta iyo dhagaxyada lagu dul jiiday.

Dadka ceynkan ah oo Cawaanta ah ee gaaloobay ayaa maanta nagu beer jilicsanaya Daarood baan isla nahay ee aan maamul goboleed aan Madaxweyne ka nahay aan wada dhisano, oo aan iska wada saarno Ashabaab, ayagoo nagu oranaya Sheekh Xasan Yacquub waa Raxanweyn, Sheekh Zeylaci isna waa Isaaq.

Labo nin oo doonaya iney wada sameystaan shirkad ganacsi oo midkood heysto US$500,000 ka kale-na iska dhaaf inuu heysto xoolo uu kula shirkoobo saaxiibkii, balse uu qoowan yahay oo wax dhar ah uusan xirneen, ma suuro galbaa iney labadaasi wax isku darsadaan , waxaa arintan la mid ah Mareexaanka Reer Galgaduud oo iyagoo soo dayacay dhulkooda, haddana doonaya iney Reer Jubbaland la qeybsadaan maamulka degaanadooda oo ayaga Madax ka noqdaan.{Waa Sacabadoo Timo yeeshay, Dameer San Madow oo aan sinnaba Loo Arkeyn}

Cawaan Ridoobay oo nala heyb ah waxaa inoo dhaama walaalkeen Muslimka ee aan dhalshada kala heeb ku nahay ee Alla yaqaan ah oo inuu wax na taro mooyeen aan waxba inoo dhimeyn, Eebbe oo inooga waramaya cosgii Nabi Nuux(scw) markii Dadkiisa la halaagayey,wuxuu yiri{Eebbow wiilkeyga ehelkeyga ayuu ka mid yahay, yaboohaagana waa dhab,…….}

Eebbe wuxuu ugu jawaabay{Isaga kama mid aha ehelkaada, maxaa yeelay wuxuu sameeyey fal aan habbooneyn(Gaalnimo), ee ha I weydiinin waxaadan cilmi u laheyn}Suuratu Huud.

Jawaabta Reer Waamo waa Sheekadan: Odey Reer baadiye ah ayaa gabadhiisa siiyey odey kale oo uu ka qaatay xoolo badan,balse gabadhii ayaa diiday, aabaheed ayaa ka codsaday iney xilli fiid ah iney isaga iyo gabadhiisa isugu yimaadaan aqal soomaaliga ay deganaayee, gabadhu Markey aqbashay balanka aabaheed ayey waxey iyana soo balamisay wiilkii ay rabtay iney guursato, oo u sheegtay inuu aqal Soomaaliga dhankiisa gadaal eek u began halka ay fariisaneyso inuu isa soo taago xilliga la balamay.

Markii la ga xilligii la balamay ayaa wiilkii isa soo taagay halkii lagu balamay isagoo halkaa ka soo dusiyey Cisilkiisa oo taagan gabdhuna gacanta ayey ku qabsatay, markuu aabaheed gudagalay hadalkii oo uu ku shukaamiyey iney aqbasho odeyga uu xoolaha ka qaatay ayey gabadha ugu jawaabtay aabaheed {Aabbe wax la hubo ayaan gacanta ku hayaa},

sidaa soo kale haddeynu nahay Reer Waamo(Jubbada Hoose, Dhexe & Gedo) wax la hubo ayeynu gacanta ku haynaa oo Sharciga Alle oo ina dhaxalsiiyey nabad baahsan, sharci iyo kal dambeyn iyo barwaaqo aan hore loo arag ayadoo aysan jir cid cid kale ku xad gudbi karta, ee Reer Gabrow ha nagu tashanina{Waxaad leedihiin Diintiina annaguna Taayada},keliya Mareexaanka Galgaduud waxa laga sugayaa oo qura iney bixiyaan dambiyadii ay qirteen heshiis hal sano ka hor ka dhacay 680 hoteloo al eg ama la mid ah = 10Bilyan oo Doollarka Mareykanka oo isugu jirta magta dadkii ay xasuuqeen,hantidii guurtada iyo ma guurtada ee ay dhaceen

Gabagebadii lama huraan waa Cooska Jiilaal Mareexaanka Galgaduud waxeysan huri doonin iney la heshiiyaan beelaha Soomaaliyeed ee ay wada degaan Dhuusamareen ilaa iyo Godinlabe iyo Galinsoor ilaa iyo Caabudwaaq, ee guri Waamo waxba uma yaallo.

FG/Gabre & Dowladda Tiree waxey aad uga caroodeen sida fudud ee Gudoomiyaha Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYPL) u fashiliyey qorshihii dowladooda u soo xilsaartay Gabre oo ahaa {Qeybi oo Xukun}, ka dib markuu beelaha Soomaaliyeed uu ugu sharxay uguna guuleystay in warkiisa durbaba la aqbalo, waxey taa badelkeeda ugu goodiyeen iney Mr. ku khaarijin doonaan dalka Kiinya gudihiisa, waxeyna fariinta u soo dhiibeen Siyaad oo ahaa xogheyntii Cali Max'ed Geeddi(Ex:Somali PM), Sidaa aawadeed waxaa looga fadhiyaa Gabre inuu Xuseen dilo hadduu awoodi karo oo uu run sheegayo, xittaa hadduu gaari jiiro ama tuugo isku sheeg disho isagaa ka mas'uul ah iyo dowladdiis

Dowladda Tigreega waxey hub ugu qeybisaa qabaa'ilada Soomaalida Doolow oo ku taal
xadka Soomaliya ay la wadaagto Itoobiya, kaasoo dhibaato ku ah gobolka gobolka oo idil sida Kenya oo u noqotay suuq ballaaran oo loo iibgeeyo hubka ay wax ku laayaa burcadda dhacda gawaarida.

:- Ka Dhiibo Fikirkaaga

Xfiiska Warqabadka Warkadalka.com, Cape town South Africa

Comments

#11 | deeq on August 04 2009 18:53:42
warkadalka.com masaaneey isku badashay walee waa yaab oo ninkii soomaali ahaa qabiil lafihiisa laga saariwaa. midkaad is tiraahdo waa roonyahay oo waxun diin ah baa ka muuqata waxaad arki asagoo xaarka qalanaya!!!! ka saara qoraalkan meesha si degdeg ah kana bixiya raali galin dabkaad huriseen, hadii kale maanta wixii kadanbeeya waxaad naga joogeysaan booska waagacusub.com iyo dayniile.
#12 | cabdiqadair owen on September 10 2009 02:00:04
warkadalka wan idin salamay kadib wax la inku yaqani jiray inaa mujahidiinta uga sheeqeeysiin si cadalad aha lakiin
hada waxaad u moodaa inaa dhinac u leexateen oo aad adinka xitaa aad somali kala qeebineysaan qabaailkii laga soo gudbay inaa dadka ku celin rabtaa qoraalkiinu sidaas ayaan ugartay waxaana iku soo dhacday oraneysay |nina tolkii kama jano tago marka laba wajiiilinimada inaa iska daysiin hadaad reer galgaduud rabtaa konfur inbadan waad haysataan markaad fuda galinweyseen galgaduud ayad tiraahdeen waa reer hebel iyo waa reer hebel ee marka adinka hada mawaxaa idin ku xisaabinaa mujahidiin mise mooryaan runtii waan inku wareeranay ee munaafaqnimada naga daaya warka dalka cid gooni ah hadaa rabtaana waa la is arki wabilaahi toofiiq
#13 | natredpickk on October 26 2009 11:43:17
Ништяяк! Добавила в закладки, буду вашим частым гостем.
#14 | natredpickk on October 26 2009 20:23:20
Присоединяюсь к вышесказанному!
#15 | natredpickk on October 27 2009 01:28:45
а все же, если подумать по другому немного... то получается, что так и есть))
#16 | natredpickk on October 27 2009 02:51:56
Очень полезная вещь, спасибо!!
#17 | natredpickk on October 27 2009 09:20:41
Даже и не придирешься!
#18 | natredpickk on October 27 2009 13:51:36
Чтобы ничего не делать, надо это хорошо уметь. Ага? Еще что нибуть по этой теме охото. [url=http://www.rdrwebhost.com
#19 | natredpickk on October 27 2009 14:48:03
По моему Вам нужно чаще отдыхать, очень уж Вы заработались.
#20 | yoyohh on December 15 2009 00:19:06
Email mass marketing wow power leveling is very popular wow gold

concept to market your business or sales wow power leveling campaign. Everyone uses emails on a regular

basis. In fact people are now using email services aion power leveling more often than that of

handwritten mailing services. aion gold Business organizations have switched to internet to

remain competitive in business and cater to mass audience. However, cheap wow power leveling now the traditional ways

to send buy wow power leveling business marketing letters via postal services is minimal used.That is, copywriting,

font, layout, text, mailing to the right kind of warcraft gold recipients, etc. One can be as creative as one can get

in this field of work.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.07 seconds
358,999 unique visits