Shacabka Somaliyeed waxaa marwalba ku jira kuwo Qabiil Iyo dano gaar ah aan marnaba ka dhamaan Hadaba waa mahaxay danaha laga leeyahay Baroordiiqda loo sameynayo Dagaal ooga yaashan.

(30-06-2009)Inbadan oo kamid ah Shacabka Somaliyeed magaran karaan danaha laga leeyahay in baroordiiq loo sameeyo Shaqsiyaad Taariikh madow ku leh Bulshada somaliyeed balse waxaa jira mawlaba koox gaar ah oo iyagu Dano Qabiil Iyo Siyaasado ay iyagu wataan u sameeya waxwalba oo ay doonayaan si ay ugu yaaraan danahooda.

Hadaba Tacsida ama baroordiiqda loo sameynayo shaqsiyaadkan aykamid ka yihiin Cumar xaashi iyo Ing Cadow iyo kuwa ku wehliya Sawirkan oo iyagoo dagaal kula jira Shareecada islaamka iyo muslimiinta lagu qaarajiyey dagaaladii ay iyagu abaabulayeen maxeytahay sababta maanta qaarkamid ah Mulshada somaliyeed ay ugu sameynayaan wax ay ugu yeereen Baroordiiq ama Tacsi taadrabto ugu yeere.

Waxaa jira shaqsiyaad iyagu arinkaan u abaabuliya nuuc qabiil iyo kuwo kale oo iyagu dano gaar ah oo ay ka leeyihiin ururo wax caawiya ama hey'ado usameynaya waxakan loogu yeerayo baroordiiqda kooxahan kala duwan ee iyagu danaha badan oo isdhaafsan wata waxaa laga yaabaa in qaarkamid ah shacabka somaliyeed ay uarkaan in sababta ay waxaan usameynayaan aytahay Somalijecli balse xaalku waa ka duwan yahay sidaasi oo waxaan dhihi karaa waa Gaalo jecli.

Kumanaan somaliya aya amaalin kasta xaqdaro loogu dilaa Dalka somaliya qaasatan Magaalada Muqdishu iyadoo weliba ay jiraan kumanaan kale oo baahi u baqtisa halka intaasi inkabadanina ay dhaawacyo iyo dhibaatooyinkale Cisbitaalada ugu jiraan welina ma aynaan maqal wax baroordiiq ama sadaqo ama xitaa hadal ay kooxahan Cumar xaashi iyo saaxiibadiis Tacsida u dgigayaa ayku tareen dadkaasi masaakiintaa.

Hadaba waxaa ii cadaatay in wax tacsi layiraadoba aysan banaaneyn Hadiiba loodhigi karo kooxdan dagaal ooga yaashaa waayo wax wanaagsan waxaa leh wixii wanaagsan wixii xuna waxaa leh wixii xun marka qolooyinka Maanta baroordiiqda udhigaya kooxdaan dagaal ooga yaashaa oo Illaah ka qabtay umada waxey ku doodayaan in illaah uusan cadaalad usameyn qolooyinkaan waayo waxey sheegayaan in ay ka xunyihiin Geerida ku timid Shaqsiyaadkaani.

marka hadii ay idiinla muuqato in Geerida Dagaal oogayaashan aysan Xaq aheyn waxaad ogaataan in aad danbi illaah ka gasheen maalinta Qiyaamane su'aal ay idin sugeyso waayo mabanaana in aad cadow Ilaahey oo illaah umadiisa uga nasteexeeyey aad ku doodaan in aan geeridoodu xaq aheyn baroor diiq Macnaheeduna waxaaweeye Geerida Shaqsiyaadkaas boordiida loo sameynayo xaqmaahan.

Waxaan rabaa in arinkaan uu umada somaliyeed waadix u noqdo Cidii qaadaneysana ay qaadato cidii kalena ay iska dhaafto Illaah ayaana qofkasta xisaabin doona marka ogaada ninkii geerida dagaal oogayaashan aylatahay mid qaldan wuxuu ku jiraa xaalad aan caadi aheyn ee hadii uu islaam yahay hatoobad keeno hadii uu gaal yahayna hade isaga arinkiisa Illaah ayaan udegney.

N/B Shabakada warkadalka waxa asoo gaaray baaqyo badan oo looga soo horjeedo Baroordiiqda Loo sameynayo Kooxdan ku mideysan sawirkan oo siyaabo kala duwan loogu diley Dalka somaliya,

Hadaba waxaan aqrista yaasha warkadalka.com kuwar gelineynaa in maalinta jimcaha Soosocota ee 3/07/09 aan soo gudbin doono Doodo fara badan oo ay noo soo direen qaarkamid ah Aqristayaasheena kulanool daafaha dunida oo ay uga hadlayaan sida ay u arkaan in Baroordiiq loosameeyo Kooxdan iyo Inkale ,hadii aad dooneysaan in aad ka qeyb qaadataan Fadlan qoraalkaaga ama Rayigaaga soo Gudbi intaan lagaarin Jimcaha ,mahadsanidiin. Qaderinta koowaad waxaa iska leh dadka ugu soo horeeya ee Rayigooda noo soo horgudbiya Insha alllah.


Comments

#21 | Fahad on June 30 2009 14:19:20
Asc waxaa muhiim ah in ruuxa aqristaha ah iyo midka saxafiga ay meel isugu imaadaan lahaa taa micnaheeda waa in Warkadalka.com waxaa iska leh ruux nifaaq ku jiro Qabiilne wuu raacsan yahay Mujaahidiintane wuu raacsan yahay marka uu beel london ku shirtay so diyaariyo kuuna amaano waliba cidii soomalida ugu necbeed ee xaraanta ku naaxi jiray ee habar gidir ceyr marka website kan ama qabiil ha raaco ama Mujaahdiin ha raaco Tacsiyane micno masameyso balse Mathalada ruux Gaal ugu dhigeyso wa in aad looga fikiraa hadii kale farahiina ayaa Jahanamo ku raadsaneysiin bye ILAAH xaqa ha idin fahansiyo
#22 | nuur on June 30 2009 14:37:43
as.c walalayaal, qaasatan nimanka qora webkaan, ogaadaa hadaad taageertan , dilka qof muslim ah, in aad la mid tihiiin, qofkii dilay,.... war allah ka baqa maanta waa aduun berina wa akhiro.
.... waxaan idin weydinayaa,, su aal ah....
qof dilay tobonan ruux oo muslim ah, intuu shihiid ku noqday???????????????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
#23 | Maxamed Somali on June 30 2009 14:44:23
Ragan waa tageen maxaa looga hadlayaa ilaah baa la xisaabtamaya haday dambiilayaal ahaayeen .
Al shabab shaqo culus baa sugaysa waa in ay ka sifeeyaan wadanka dambiilayaal iyo daba dhilif.
#24 | ganeey on June 30 2009 15:29:25
war daba dhilifiintaan maxay karabaan raga sharafta leh oo ilaah geerida ukeenay walee waa la'idin ogyahay gidigiin waxaad tihiin jaajuusiin reegalbeedka u sheqeeya sida nin kamaqaalada idiin qora ee layiara C/waaxid Khaliih maa asagu isqarxiye waaka London afku foolxume marka uu maalin la'arko wax ka sheegayo geesigii cumar xaashi xasan doqon ina aways meesha ha iska niic leeyo in ta uu casmaro u cararidoone sidii 2006 dii midka webkaan lehna waa dameer qabii layste ah oo xasan doqon dabadhilif u ah '
#25 | Al-Cadaala on June 30 2009 17:44:22
Asc wr wb,,

Sxbayaal dad mujaahidiin isku sheegaya Islaam uu diriraayo waxey qalad ila tahay in dad dhintay la caayo ama la xanto waa shey folxumo badan, cumar xaashi iyo ragga dhintay kheyr alle ha siiyo khaladkey galeen alle haka cafiyo,

Dadkani waa dhinteen hadda,dhib danbe idin geysan maayaan idinka iska cafiya,SOOMAALI WAA MID,

Dowladda waa mid qaabdaran

Al shabaabka waa niman qaabdaran

Xisbul islaam waa niman qabdaran,

3daas qolo caddeymo ayaan ka hayaa iney qabdaran yihiin,

waxaana leeyahay alle ha isku dhaweeyo iyaadoon dhiig danbe daadan,Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinto,wiilka dhimanayaa waa wiil soomaaliyeed ahna ruux Muslim.

Marka isu tanaasula,3daas qolo waan jecelahay,waa walaalaheyga,hadii ay xumaan kasto geystaanbaa sow wali ma noqon doonan Soomaali.

Dibedd joogtada waa waxa dalka ka joogi weyse

Sh shariif 3 xaas iyo familkiis dhamaan dibedda ayeey uu joogan,waxba kama haleeysan,

Xassan daahir sidoo kale,

Godane familkiisa Barwaaqo ayeey ku nool yihiin magaalada hargeysa.

Marka hadey familidooda joogi lahayen walahi xal bey raadin lahaayen, isma dirireen DOLLAR qaatayaal waaye 3da qolo.

Marka walaalayaal hala xasuusto dadka rayidka dhibaateysan, baahi ayeey uu dhimanooyan idinka dagaal ayaad dooneysan,dibedda ayaad joogtiin waxba idinkama haleysan.

Dadka masaakiinta hala xasuusto,hala gargaro, 5 milyan somali ayaan nahay oo dibedda joogo 10 dollar ayaa ku filan halkii famil,..

waad mahadsan tihiin,w\towfiiq

walaalkiin Al-cadaala
#26 | looyaan on June 30 2009 18:01:26
ma la socotaan raggani murtidiinta mid ka mid ahaa oo la yiraahdo la qanyo ayaa shir jaraaid ku qabtay addis isaga iyo nin doctor xabashi markaabuu xabashigi umada soomaaliyeed ayuu caynayaa dadkii meesha fadhiyay oo cadaan ku jira waxay la amakaageen ninkan sheeganaya safiirka somali ee ethiopia oo aan wax caro ah muu jinayn i realized that day he is dead man markaa baroor deeq kuwa u sameynayaa waa qabiilkiisa oo caado qaatayaal ah xabashi haday soo raacaan waan gumaadeynaa miyay iloobeen inay saar naayeen sadeed bilood buuraha hiiraan markaan ka saaray hiraan oo idil see in combat agian yaa xawash
#27 | asad on June 30 2009 18:46:52
asc walaal yaal waxaa iga su aal ah shalay shariifka iyo ragiisa waxaay cabdulaahi yuusuf iyo ragiisi ku eedayn jireen in ay gaalo u yeerteen maantana ayagaa u yeeratay marka shariif ma shalay buu munaafaqnimo maxaa kimta kula dhax jiray mise maantuu gaaladi isu dhiibay waa labadaa mid tan kale shalay tuuto iyo qori buu watay gar suada ka muuqata waa la haa maatana suud madow iyo surwaal qashinka soo xaaqaayuu wataa garkina waa xiirtay marka sow uma eka cabdulaahi buu kursi u diidaaaye meesha diin kua hay sidaa darteed jeer uu islaamki u laab la day maayo
#28 | muscab on June 30 2009 19:10:35
walaala yaal asc dhamaantiin dadka waxaan rabaa in aan xasuusiyo maalintii ay maxaakimta jabeen ee itoobiyo somaaliya qabsatay marki ay ay ragii muslimiinta ahaa qaarna duqay cirka ah lau hayay qaarna maykooda duurka daadsaana ninkaa sharrifka la jiraaha waxaa la keenay nairoobi waxaana keenay maraykanka maantaa ilaa maata ayaga ayaa u goggol xaarayay walaahi cidna ka dhagaysan maayo shariif baa wadaad ah waxaas oo dhaana goobjoog baan u ahaa marka soamaaliyeey īmarka hore dadka xog ogaalka ah wax waydiiyay waxaan aad oola dhacay hadal uu yiri profissor siciid samatar oo uu bbc ku yiri ma waxaan idiinkaga waramaa shariifki hore mise kii dambe sidaa daraadeed ninkaan yaan lagu qaldami
#29 | cabaye on June 30 2009 23:43:14
sxb waxaan u sheegayaa ninka qoro warkadalka inuu yahay qabyaaliste weyn sabaabto ah, beri waxaa oran doonaa Xasan Dahir oo rag gaalo ah sida Erayteria oo Yahuud ku xiran oo hada labadii sano ee dagaalka ka maqnaa Xamar ayuu leeyahay waa mujahiid. mahaan mujahiid waa fulay marka ay Itoobiyaanku wadanka joogeen uu cararay waxaa uu magana u noqday Gaalo. Cumar Hashina waxaa uu ahaa Mujahiid umada oo dhana weey garaneysaa wixii uu ka qabtay ciidankii Itoobiyaanka dalka oogay. mida kale Oday xasan waa kursi doon mana yaqaano xeeladaha lagu raadi kursiga. dantiisuna waa mid kirsiga inuu ku fadhisto iyo walalkiis helo ay dantiisa runta ah. sababta ah. markii Dowladi Cabdi qasim Salad la soo doortay oday Xasan waxaa uu ku wareejiyey hubkiisi oo dhan, iyo wixii ciidan Altixaad ahaa, si kale iyo laab ahna waa u taageeray, taas ayaa muujineysa inuu Xasan qabiilka ku adeegto. mida kale, waxaan ognahay inla qabtay Cusmaan Xasan Cali (Caato) waana la sii daayey, waxaan ognahay ninkaasi dhoofsaday warshadiihi dalka, taalooyinka taarkhiga ahaa, inuu la baxay maartii ku jiratay dhulka hoostiisa oo dhan, sidoo waxaan la soconaa inuu weil u shaqeeyo CIA + Conoco, oo iyadu qaabilsan arrimaha sirdoonka Soomaaliya. arrinta kale Cumar waa la garatay ee Inj Cadoow maxaa lagu dilay oo loo bireeyey sidii neef xoolah oo kale, miyuu Cusmaan Caato ka badan yahay? miyuu dadka xasuuqi jiray? ma maartibuu dhoofsaday?. hadaba soow Qabiil looma dilin iyo iska mabada ma nihiin. waxaan leeyahay in Cumar iyo Inj.waxay ay ka soo wada jeedaan hal Gobol oo lagu yaqaan source of leaders. waana la badali doonaa inshalaha waana mujiahiidin iyo wadaninyiin u halgameyey xooreynta dalkooda. mana hayeen Xasan Dahir oo kale oo aan kale aqoon Afeqwi iyo Sheekh Shariif.
#30 | guuleeyste on July 01 2009 04:47:22
inalilaahi wainaa ileeyhi raajicuun eebe naxariistii jano haka waraabiyo shuhadadii eey dileen takfiirka isku magacaabay alshabaab walee ninka webkaan lahoow maalin teey aabahaa amama adeerkaa dhagta dhiiga ugu daraa bilaa macano ayeen ku eegi doonaa digoo ku barooranaa waa ilmo ibliis iyo inan dajaal hada afgobaadsi ayaad wadaa oo waan ogahay uurka naceeyba ayaad ugu heeysaa lakiin in eey yihiin dad meel kale u socdo waad arki doontaa markeey ehelkaaga ruux ka mid akacan toooda ku xijaabto kuna sheegaan in uu ahaa alshaado diid ee markaans in taas goroda laadlaadiso oo ilmo kaa kabololeeyso iska cataaw waligeed waxaa jiro indha ku garaadle aan fah,min halka xarag jiidku ka socdo walee nimankaan waa wax darn daba dhilaf dhiintii macaaneeyde ka dhigan gawaan wax lagu qalo iyo diin fasaxeeysa wax kasat oo xun nin gaal ah oo jooga halkan ayaa igu yiri sxb diintiinu ma sidaan baa oo ruux muslim ah waa dili kara amiyaa mid kale oo walal kiis ah oo xitaa dastuurkeena gaaladaa ma ogolee waa sidee xaalkeeno waxaan ku iri axmed godone weey dii faajirka

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.


Render time: 0.05 seconds
358,996 unique visits