Michael Keating: Soomaaliya waxaa lacago isku dhaafsanaya dowladdo shisheeye

International Somalia News

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Wakiilka
gaar ah ee xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay
mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in
mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay
si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

Keating
ayaa sheegay inaysan ahayn wax sahlan horumar la sameeyo iyadoo Al-Shabaab iyo
kooxaha kale isku dayayaan inay minja-xaabiyaan dadaallada,
balse waxa uu ugu baaqay inay Soomaalidu isku tanaasulaan.

Mar uu
soo hadal qaaday siyaasadaha cakiran ee maalmihii ugu danbeeyay ka soo dhax
cusboonaaday maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayuu sheegay in arrimahan
oo dhan yihiin kuwo ka dhashay mashkalado siyaasadeed oo ku hoos duugan awooda
iyo waliba sida loo kala qeybsanayo iyo dhinaca kale
nidaamka federaalka  oo ah  mid cusub Soomaaliya.

‘’Xaaladahan
soo cusboonaaday waa kuwo nasiib darro ah, waxaan rajeynayaa in ay si deg deg
ah u xaliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida dhibtaada jirta, waxaana rajeynayaa in maamul gobolleedyadu ku
raacaan madaxweynaha Soomaaliya in ay kala qeybgalaan shirka uu ku baaqay ayuu
yiri Micheal Keating.

Wuxuu
sheegay in la soo gaaray waqtiggii hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay
qaadan lahaayeen mas’uuliyad wadareed, oo ay ka shaqeeyaan degenaashaha
wadankooda iyaga oo aan eegin faragalin xal doon ah oo uga timaada dalka
dibediisa.

Keating
ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday kuna tilmaamay arin nasiib darro ah
in ay jiraan dowladdo shisheeye oo lacago isku dhaafsanaya siyaasada Soomaaliya
si awoodda loogu taageero in ay qolo gaar ah ku guuleysato ama codka kalsoonida loogu qaado koox kale, isaga oo sheegay in arinkaasi yahay kan hor
taagan hormarka Soomaaliya.

‘’Nasiib
darro lacago badan ayaa leysku dhaafsadaa Sooomaaliya si codadka doorashada loogu kala
guuleysto, ama in la joojiyo ama la
taageero mooshin cid ka dhan ah, arrintani waa mid aad u culus oo aan marnaba u
adeegeynin in wadanku hormaro’’ ayuu yiri Keating.

Dowladda
hadda jirta ayuu sheegay in ay la timid ajande culus oo dib loogu habeynayo
hannaanka dhaqaalaha dalka, arintaa oo ay dusha sare kala socto ayuu yiri hay’adda
lacagta aduunka ee IMF.

‘’Tallaabooyinka
ay dowladdu u qaaday dhinaca hormarinta dhaqaalaha gudaha waxaa ka yimid
natiijo fiican marka la eego isbadallada la sameeyay bilihii ugu danbeeyay ee
la xiriira kobaca dakhliga gudaha ‘’ ayuu yiir Keating.

Hadalka
Michael Keating ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya maamul
gobolleedyada iyo waliba dowladda dhexe, dhinaca kalana uu dhawaan xilka
wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu la wareegi doono
ergay cusub oo loo soo magacaabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *