Madaxweyne Xaaf oo gaaray magaalada Gaalkacyo

International Somalia News


Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug
Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada
Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa wehlinaya wafdi ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka iyo
Golaha Wasiirada ee Galmudug waxana ujeedada ay u gaareen magaalada Gaalkacyo
lagu sheegay inay ka mid tahay sidii ay uga  qeyb qaadan lahaayeen soo
dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in
Madaxweyne Farmaajo marka uu soo gaaro Galmudug inuu booqan doono dhammaa
degmoyinka ay maamusho Maamul goboleedka Galmudug si uu indhiisa ugu arko
baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Guud ahaan ammaanka guud ee degmooyinka Maamulka Galmudug ayaa aad loo
adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada
Galmudug uu ka bilaabi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ku sugan deegaano ka mid Maamul goboleedka
Puntland waxaana la filayaa in dhowaan uu booqdo qaar ka  mid ah
degmooyinka hoos yimaada Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *