Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka Qatar

International Somalia News

 

Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL) -Madaxweynaha
Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga
Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin ka
kala socday hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo
dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka
wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya horumarinta deegaanada Hirshabelle.

Ugu horeyn
Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay caawimaada dowladda Qadar ee Soomaaliya
gaar ahaan Mashruucani lagu  dhisayo wadadaasi oo muhiim u ah dadka reer
Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana  uu sharaxaad ka
siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo
kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo  fursadaha maalgashi ee ka jira
dowlad goboleedka.

Madaxweynaha iyo xubnahani ka socday dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar-dar galinta mashaariicda
horumarineed  gaar ahaan dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo
uu bur bur xoog leh ka jiro.

 

Xubnahani Ka socday
Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta mashaariicda
Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi oo ku kaceysa 200 oo Milion, waxaana
madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada
Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha
dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa
madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka
Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka
tirsan madaxtooyada Hirshabelle, waxaan uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *