Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga

International Somalia News

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka
Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo
ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalooyinka
Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay madaxweynayaasha qaar ka mid
ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal caalami ah, waxaa ayna ka wada hadleen
danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay
hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema
saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u
ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo
shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda
maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *