Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday saraakiil sare oo amniga ah

International Somalia News

 

Arbaco, June, 13,
2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa wareegto
uu soo saaray goor dhow xilkii uga qaaday agaasimayaasha hay’adda sirdoonka iyo
nabadsugidda Puntland.

Saraakiisha xilka laga qaaday waxaa ayaa kala ah, agaasimaha hay’adda
sirdoonka ee PIA, Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo agaasimaha
hay’adda nabadsugidda ee PSS , Cabdullaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi
Ulle).

“ Madaxweynaha wuxuu saraakiisha xilka ka qaaday marku tixgaliyay tallo soo
jeedinta wasaaradda amniga iyo DDR-ta.” ayaa lugu yiri wareegta oo faahfaahin
inta ka badan aan bixin. Mana jirto wali cid loo magacaabay xilalka muhiimka u
ah amniga Puntland.

Iman Jama
[email protected] 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *