Kooxda Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Goolhaye Serie A-da Ka Ciyaara

Sports

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu helay goolhaye iyada oo si weyn suuqa uga raadinayso goolhaye cusub kadib qaab ciyaareed liita oo ay soo bandhigeen goolhayayaasheeda xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa goolhayaha kooxda Lazio ee Thomas Strakosha.
Kadib Markii ay Roma Goolhaye dul dhigtay qiimo waali ah Reds ayaa haatan ugaarsi ugu jirta sidii ay goolhaye jaban u keeni lahayd kooxdeeda.

Sida laga soo xigtay wargayska l Messaggero, kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Lazio kooxdaas oo ay ka doonayso goolhaye 23 jir ah.
Goolhayaha reer Albania ayaa kooxda Lazio ku soo biiray sanadkii 2012 waxana uu ka mid noqday goolhayayaasha ugu fiican horyaalka Italy isaga oo kooxda u saftay 52 kulan oo tartamada oo dhan ah.
23 jirka reer Albania ayaa haatan Lazio kula jira heshiis ilaa 2022 ah waxana ay kooxdiisu ku qiimaysaa lacag dhan 30 milyan ah taas oo aan dhib ku ahayn kooxda Liverpoool.

[embedded content]
Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *