Guddoomiyihii guddiga doorashada madaxa-bannaan oo lagu xiray Dhuusa-Mareeb

International Somalia News

 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada
Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu
Sunna Waljameeca halkaa ku xireen guddoomiyihii guddiga doorashada
madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey)

Gadiid ay la soctay guddoomiyaha oo ka anbaxay degmada Guri-ceel ayaa lagu
joojiyay Koontaroolka laga-galo degmada Dhuusa-mareeb kaddibna la xiray
iyada iyo shaqaalihii guddiga ee la
socday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in la
xiray guddoomiye Xaliimo Yareey, laakiin waxaa ay sheegeen in cid kasta oo soo
galeysa degmada baaritaan lagu sameeyo.

Ilo madaxa-bannaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu xabsiga dhigeen
guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan iyo xubno ka tirsan guddiga,
waxaana hubkii ay wateen laga qaaday ilaaladii la soctay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *