Guddoomiye Mursal “Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa indhaha sharciga.”

International Somalia News

 

Khamiis, September, 13, 2018
(HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Dugsiga Tababarka ee
Jeneraal Kaahiye(Iskool Buluusiya”) kaga qeyb galay kulan lagu dhiira
gelinaayay dhallinyaro ku soo biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo
tababar u socdo.

Guddoomiyaha ayaa waxaa
kulanka kala qeyb galay oo ku wehlinaayay Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee
Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka
Booliiska Soomaaliya, ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka S/guuto Zakiya Xuseen
Axmed ayaa Guddoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ku soo dhaweysay Xarunta
Jeneraal Kaahiye.

“Mudane Guddoomiye Ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah inad maanta kala qeyb gasho
kulanka khamiislaha oo ah kulan lagu dhiira geliyo dhallinyarada ku soo biirta
ciidanka, runtii wada shaqeyn wanaagsan ayaa naga dhaxeyso waxa rajeynaya inaad
sii xoojiso maadaama adigu ad ka mid ahayd ciidamada qalabka sida, wax badanna
ad ka fahansan tahay arrimaha ciidanka”. ayay tiri S/guuto Zakiya Xuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la dardaarmay dhalinyarada
tababarka u socdo iyo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Waxan ku faraxsanahay inaan
maanta halkaan idiinla joogno oo aan aragno qaabka aad tababarka u qaadaneysaan
iyo xaaladaha aad ku sugan tihiin, ciidanka booliiska Soomaaliya waa indhaha
sharciga, waxa aaminsanahay golaha shacabka inad qeyb weyn kaga jirtaa sugidda
amniga.” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

“Waxaa idiin kula dardaarmaya
inad ka shaqeysaan kala dambeynta, sareynta sharciga, ixtiraam dhexdiina ah iyo
inad u dulqaadataan daruufaha jira si uu u guuleysto ciidanka booliiska
Soomaaliya.” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.
 

Abdisalan Nor Dirie

Hiiraan
Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *