Goolhayaha Kooxda Liverpool Ee Alisson Becker Oo 18 Bilood Ka Hor Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Koox Kale Oo Premier Leageu Ah – Kooxda.com

Sports

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa si la yaab leh ugu dhawaaday in uu ku biiro koox ka ciyaartay premier League ka hor hor intii uuna lacagta rikoodh jabiska ah ugu soo biirin kooxda Liverpool intii lagu jiray suuqii xagaaga.
Kooxda West Brom ee xilli ciyaareedkii hore ka hadhay horyaalka Premier Leageu una dhacday horyaalka heerka 2-aad ee Championship-ka ayaa indha-indheeyayaal u dirtay ka hor intii uuna ku biirin kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa Alisson kula soo saxiixatya lacag dhan 75 milyan oo euro iyada oo kala soo wareegtay kooxda Roma ilaa haatana 3 kulan ilaashaday shabqiisa hal gool-na laga dhaliyay.

Goolkaas ayaa ka yimid khaladkiisa kulankii ay Liverpool guusha 2/1 ah ka gaadhay kooxda Leciester City kulankii ka horeeyay fasaxa xulalka ee bishan.
Laakiin Goolhayaha ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda West Brom 18 bilood ka hor kadib markii kooxdu Indha-Indheeyayaal u dirtay kulan ay Roma Europe League la ciyaaraysay kooxda Villareal.
Jonathan Gould oo ah idha-idheeyihii soo daawaday Alisson ayaa yidhi” Waxa aan Villarreal u tagay Amarka Tony Pulis oo markaas tababare u ahaa kooxda West Brom”ayuu u sheegay The Sun.

“Waxa ay ahayd mid adag in aan indhaha ka qaado Goolhayaha Roma, waxa uu badal lama filaan ah u ahaa Wojciech Szczesny”.
“Tony ayaa ii diray si aan u soo daawado qaab ciyaareedkiisa warbixina uga soo gudbiyo waxa uu khaati ka dhigya weeraryahanka Villarreal ee Cedric Bakambu”ayuu hadalkiisa soo raaciyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *