Go’aankii Donald Trump oo cambaareyn caalami ah loo jeediyay

International Somalia News

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL)– Dhaleeceyn
Caalami ayaa loo joojiyay Go’aanka Trump ee caasimada Israa’iil uu ugu aqoonsaday
magaalada Quddus, waxaana tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Mareykanka siweyn
uga galgishay in badan oo ka mid ah dunida Muslimka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu
sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo
mas’uuliyad daro.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska iyo Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa labadaba
sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay
Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan
tallaabada Mareykanka.

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka
dhacay daanta Galbeed, halkaasoo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka.

Dibad baxayaal careysan ayaa ku hor banaan baxay Safaaradda Mareykanka ku
leeyahay istanbul, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Trump.

Sideed ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in kulan
degdeg ah laga yeesho dhamaadka isbuucan go’aanka Mareykanka uu ku gaaray in
Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

Balse Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyay
go’aankiisa, isagoo ku tilmaamay maalin taariikhi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *