Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

International Somalia News

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) – Wararka
naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarado duqeyn ka
geysteen Tuulo dhinaca Koofureed ka xigta Magaalada Muqdisho waxaana duqeyntan
lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Duqeyn ay geysteen diyaarado aan la Aqoon halka laga leeyahay ayaan la aqoon
khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay duqeyntan in ay ka dambeeyeen hase
ahaatee dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeyntii ay ka geysanayeen dalka
Soomaaliya.

Guddoomiye Ku- xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in
duqeyntan lala beegsaday Gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo
marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa
beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in
goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo
rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *