Dooda Fagaaraha: Warbixin ku saabsan dib u eegista waxyqabadkii dowladda Nabad iyo Nolol ee Maxamed C/llaahi Farmaajo

International Somalia News

Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL)-Waxaan Magaalada Minneapolis
ee Gobolka Minnesota lagu soo gaban-gabeeyay doodcilmiyeedka Fagaaraha Forum
qeytii 27-aad, taas oo dib u eegis iyo qiimeyn ku sameysay mudadii sanadka ka
aheyd ee xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi
Farmaajo uu dalka ka talinayay.

Doodan waxaa ka qeyb galay
Dr. Maxamuud Culusow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, horena u soo
noqday wasiirka beeraha iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Prof
Xuseen Warsame oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Calgary ee wadanka Canada,
madaxna ka ah machadka culuunta siyaasadda ee isla jaamacadaas. 

“Ahmiyad weyn ayay leedahay
in la qiimeeyo dowladda, weliba maalin kasta, bil kasta iyo sanad kasta, mana
ahan inay dadka qaarkood dhibsadaan, waana in laga faallooda, la xisaabtanka
dowladda, waana howl mihiim ah in la iska arkaa. Sababta aan madaxweynaha u
qiimeyneyno waa inuu yahay udub dhexaadka isku haya garsoorka, sharci dejinta
iyo furinta, waana qofka masuulka ka ah wax kasta oo dalka ka dhaca, lehna
saaxiixa ugu dambeeya arrin kasta oo weyn” Ayuu yiri Culusow oo intaas ku daray.


“In dhinaca kale dowladda la iska eedeeyo maahan, laakiin in wixii ay ka gaabisay iyo khaladaadka ay
sameeyeen in la ifiyo waa masuuliyad na saran. Waxyaabaha aan wax qiimeyneyno
waxaa ka mid ah in tillaab kasta oo la qaaday la waafajiyay dastuurka,
sharciga,  danta dalka, dadka iyo diinta.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la
qabtay sanadkan waxaan isleeyahay waxaa ka mid ah mushaar bixinta ciidamada iyo
shaqaalaha dowladda, khilaaf la’aanta madaxweynaha iyo Rasi’isul Wasaaraha, soo
deynta maxaabiista dibada, tababarada, sharciyada baarlamaanku gudbiyay,
cafiska maxaabiista  iyo shaqada
hey’adaha lacagta iyo xallinta khilaafkii Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug.

Prof. Xuseen Warsame ayaa
isna sheegay inuu dowladda ku qiimeynayo sadex arrimood oo waaweyn oo kala ah;
inay dhaqaalaha wax ka qabatay, inay nabad galyada dalka hagaajisay iyo in
heybadii dowladnimada la soo celiyay iyo inay billaabeen adeegyadii aas-aasiga
ahaa sida caafimaadka, waxbarashada.

“Dhaqaalaha wadanka waxaaa
ku soo kordhay 25%, waxayna taasi marqaati ka noqoneysaa in xoogaa kalsooni ah
ay ku jirto. Sidaas oo kale waxaa dowladda u hirgashay inay soo uruuriso
canshuur gaareysa  143 Miliyan, taas oo
ah mid wanaagsan oo dakhligii dowladda kor u qaaday, iyadoo weliba shacabka
caadiga ah aan canshuur laga qaadin” ayuu yiri Prof Warsame.

Wuxuu sheegay Prof. Warsame
inaysan dhinac kale jirin wax qabad muuqda oo laga sameeyay dhinacyada
adeegyada dad weynaha iyo ammaanka.

Dr. Culusow iyo Prof.
Warsame waxay sidoo kale isku raaceen inay jiraan khaladaad waaweyn oo dowladda
ka dhacay, sida dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax ee Itobiya, weeraradii hoggaamiyeyaasha
mucaaradka iyo xildhibaanada, iyo sidoo kale xilka qaadistii iyo Is cilaadihii wasiirada,
taliyeyaasha.

Ugu dambeyntii ka soo
qeybgaleyaasha doodan ayaa su’aalo ku saabsab waxyaabaha walwalka ku haya
weydiisay labada aqoonyahan, iyadoo qaarkodna ay talooyin soo jeediyeeyn
 

Siyaad Siciid Saalax, 

[email protected]

Minneapolis, MN

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *