Dib U Eegid: Olivier Giroud Oo Ka Baxay Soonkii Uu Kaga Jiray Goolasha, Imisa Ayuuna Gool Dhalin?

Sports

Chelsea ayaa guushii 4-aad oo xiriir ah ka gaadhay kooxda BATE Borisov kulan ka tirsanaa kulankii 4-aad ee wareega Group-yada tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.
Gool uu dhaliyay Olivier Giroud ayaa chelsea ka caawiyay in ay gaadho guusheedii 4-aad oo xiriir ah tartanka sidoo kale sii wado guuleheeda xiriirka ah ee xilli ciyareedkan.
Xiddiga reer France ee Olivier Giroud ayaa ugu dambayn ka baxay soonkii uu kaga jiray goolasha kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda BATE Borisov.

Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kadib 794 daqiiqo oo uuna wax gool ah dhalin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan taas oo u dhiganta muddo 6 bilood ah.
Weeraryahanka ayaa kooxdiisa u dhalin kulan muddo dheer inkasta oo uu ka horeeyay weeraryahanka Alvaro Morata kulamadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *