Dalalka marti-galinaya Koobka aduunka sanadka 2026ka oo lagu dhawaaqay

International Somalia News

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in dalalka Mareykanka,
Canada iyo Mexico ay si wadajir ah u marti gelinayaan Koobka Adduunka ee
sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka
furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.

Cod bixinta loo sameeyay saddexdan dal oo la isku
yiraahdo Waqooyiga Ameerika iyo Morocco ayaa ugu dambeyn 134 dal waxay u
codeeyeen saddexdan dal, halka Morocco ay heshay 65.

Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii
u horeysay ka qeyb galaya 48 dal, halka iminka ay ka qeyb galayaan 32 dal.

Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti
gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee Carbeed ee
Koob Adduun lagu qaban doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *