Ciidamada NISA oo qabtay rag ku shaqeysta dhaqida iyo farsameynta dollar-ka

International Somalia News

 

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Qoraal la soo
dhiggay Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda
Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay
garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka shaqeysata
sameynta dollar-ka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah
kooxdan gacanta lagu dhiggay kuwa kalana lagu raadjoogo, iyadoo horay dowladda
dhaqida dollarka iyo farsameyntiis-ba u aqoosatay faldanbiyeed aad u weyn.

Shabakadan ayeey NISA sheegtay in ay ku
xirnaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u
fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha, laakiin lama sheegin magaca
xildhibaanka oo macluumaadkiisa loo gudbiyay sida ku cad qoraalka hay’addaha
amniga.

“Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee
Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag
dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka
mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda
Soomaaliya qabto rag sameey-nayay dollar false ah oo dadka lagu qaldo, laakiin
marka hore aan waxba ka duwaneyn kan rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *