Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay gobolka Gedo

International Somalia News

 

Jimco, Janaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada
Ceel-waaq ee gobolka Gedo aya sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo
ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya.

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka
Argagixisada ayaa aroornimadii saakay la sheegay in ay ka soo talaabeen Xadka
dhinaca Ceel-waaq waxeyna gudaha u soo galeen magaalada.

Ciidamada Kenya oo watay Saddex gawaarida dagaalka ah, wajiyadana
ay u xirnaayeen ayaa waxa ay gudaha u soo galeen magaalada, iyaga oo waliba
gawaaridooda ay ka babanayeen calan Madow, taasina ay skaki ku abuurtay
ciidamda dowladda, sida uu in oo sheegay sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa durba muujiay shaki ku aadan in ciidamadan yihiin Al-Shabaab, waxeyna u yeerteen ciidamo kale oo gurmad ah,
iyaga oo isugu yimid banaanka magaalada, si ay isaga caabiyeen ciidamada.

Ciidamad Kenya oo iyaga
laftirkooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda u galeen Shabaab ayaa markii ay
arkeen ciidamada dowladda oo wadada u fadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana
halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Xuseen Deyr Cadaawe oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga
dalka oo la hadlay dagaalka ayaa sheegay in uu ku dhintay Gaashaanle Dhexe
Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga
dalka ee ku sugan Gobolka Gedo, wuxuu kaloo inoo sheegay in saraakiil Kenya ka
tirsan ay la xiriireen, balse ay iska fogooyeen in wax lug ah ay ku lahaayeen
falkan.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in magaalada uu ka socdo
barakac ku aadan cabsida dagaalkan dhacay, wuxuuna tilmaamay in Maamulka
Jubbaland iyo dowladda Federaalka ay u gudbiyeen arrintan ku gardarooshada ah
ee ciidamada Kenya ay ku kaceen.

Ma jiro ilaa iyo hadda war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo la xiriira dagaalka la sheegay in uu ka dhacay degmada Ceel-Waaq.

C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *