Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab

International Somalia News

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha
hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa
AMISOM dib uga soo gurteen deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax
Xaaji Cabdulle ayaa u warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda sababta ay
degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo
Saldhigyadda Al-shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay ku soo laabtaan saldhigyadooda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay
kasoo baxeen inta badan degaanadii ay shalay tageen.

Ciidamada dowladda ayaa shalay howlgal ka bilaabeen degaano ay ku sugan
yihiin Shabaab.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in ay dib ula wareegeen degaanadii ay
shalay la wareegeen ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *