Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa’uud

International Somalia News

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) – Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baaritaano
ku aadan  Wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee
Dalka Canada.

Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano cidda ka dambeysay dilka
Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah
Meydkiisa laga dhex helay Gaari nuuca Raaxadda ah.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saac dhex
yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la
ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii
lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay horay u sheegeen in dhalinyaradda
Soomaaliyeed dhexdooda ay is dilaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *