Barcelona Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Philippe Coutinho & Heshiiska Uu Xiddigan Saxiixi Doono Oo La Ogaaday

Sports

Waxaa Qoray: Abdi Weli Aadan on December 7, 2017.

Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaanaysa in ay heshiis ka saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.
Philippe Coutinho ayaa ku dhaw in uu ogolaado in uu Barcelona u saxiixo heshiis 5 sano ah isaga oo ku biiri doona suuqa January.
Xiddiga reer Brazil ayaa xalay wacdaro dhigay isaga oo dhaliyay 3 gool oo ka mid ah 7 gool oo ay kooxdiisu kaga badisay Spartak.
Coutinho ayaa warqada bixitaan u gudbiyay kooxdiisa xagaagii hore laakiin Jurgen Klopp ayaa diiday in uu iibiyo xiddigiisa ugu fiican.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya “Haatan Ama Abid” baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddigan 25 jirka ah.
Kooxda hogaaminayasa horyaalka La Liga ayaa muhiimadeeda 1-aad ka dhigatay saxiixa xiddigan reer Brzil marka la gaaro suuqa Janaury xilli wargaysyada Spain sheegayaan in heshiiskii shaqsiga ahaa la dhamaystiray.

Coutinho ayaa Anfield kula jira heshiis ilaa 2020 ah laakiin rabitaankiisa ku aadan in uu ku biiro ayaa u suuro galin karta midaas.
Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in heshiiska uu xiddigan la galay kooxda Barcelona xagaagii in uu wali yahay mid jira xilli xiddiga iyo wakiilkiisu ay ku qanacsan yihiin in uu ku biiri doono kooxda Barcelona

Asxabtaada Facebook U Sii Gudbi
Comments comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *