Bankiga Aduunka oo sheegay in uu kocbay dhaqaalaha Soomaaliya

International Somalia News

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Bankiga
adduunka oo dabaacay warbixintiisii saddexaad ee la xiriirta dhaqaalaha
Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono
Saddex ilaa Afar boqolkiiba.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore
Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool,
gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in
dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka
horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay inrintaasi ay
muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana
dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri
“Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin
kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u
eegeysaa lacagaha la isku weedaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee
warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday in ay
hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn
u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu
weedaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala
iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii uu
sareeyo 155 Million is weedaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu
gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar
bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen
lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka
amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa
dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay
wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee
dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan
dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. ayuu mar kale yiri
wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Warbixinta oo laga sii daayay Idaacada VOA ayuu
sidoo kale Bankiga adduunka wuxuu sheegay wax-yaabaha nugeylka u keenaya in ay
ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab
difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u
dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan,
waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin,

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *